Cali Warancadde Oo Beer Iyo Guri Isku Qoofalan Ka Dhistay Bander-wanaag Iyo Qasri Weyn Oo Uu Ka Bilaabay Bariga Hargeysa
March 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cali Warancadde ayaa xoolihii umadda ka dhistay guri iyo beer isku qoofalan oo uu ka sameystay meel Hargeysa bari ka xigta oo la yidhaahdo Karin taasoo u dhaw tuulada qadiimiga ah ee Bandar-wanaag.
Cali Warancadde waxa kale oo uu bariga magaalada Hargeysa ka bilaabay dhismaha guri qasar ah oo uu ka dhisanayo dhul weyn oo uu ka iibsaday beerta Ilma Ficiis.Siday ilo ku dhaw dhawi sheegeen, Cali Warancadde ayaa damacsan in marka uu shaqada dawladda ka tago uu waqtigiisa inta badan ku qaato qasriga uu Hargeysa ka dhisanayo iyo beerta uu Karin ka samaystay.