Hargeysa(Berberatoday.com)–ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland ayaa heegan buuxa la geliyey Habeenki xalay, iyadooo dariiqyada waaweyn ee mara caasimadda Hargeysana la dhiggay ciidamo gaashaman.
ciidamada ayaa baadhis iyo kala shaandheyn ka wada dariiqyada gaadiidku maro, iyadoo laga hubinaayo waxyaabo amaanka dalka wax u dhimaaya.
warar laga helay saraakiisha ciidamada Qaranka ayaa sheegaya in xoojinta amaanka ay ka danbeysay, xaaladaha kasoo kordhay waddamada jaarka ah. sidoo kalena, ay ciidamada somaliland xoojinayaan amaanka gud ee dalka.