berberatoday.com
Ictirafkii wuxu ku jira Gacanteena,wuxuna yaal gondaheena,,xog culus oo muhiim ah,,by;Muse Mohamed Duale.‏
March 24, 2016 - Written by Berbera Today

Bismillahi raxmani raxiim,wabihi nastaciinu.

 
Ictirafku inagama foga wuxu yaal gondaha Bulshada reer Somaliland,hadba qabka ay u fekerto bulshadu iyo asluubta wacan ee ay ku dhaqanto ayaa ictiraaf ah.waa xaqiiq in aynu diirimad gadhney lakiin ogaada in aynu badhtamihii joogno.
 
Bulshadu hadii anay iyadu isbedelin,heli mayso isbedel wacan.waxan ogsonahay oo aay xaqiiqdu tahay in indhaheenu anay arag ninka ay isku Beesha yihiin,ee bulshada sunta u kar-karinaya.lakiin dhegteenu aay jeceshahay in ay maqasho,ceebta dul hoganaysa ninka anay isku haybta ahayn.
 
Ceebta marka aynu uga baqano si kaweyn,sida waxa Alle xaranta ka dhigay.ee aynu Culimada u qaderino si ka weeyn sida aynu u qaderino Diinta,ee aynu ixtiramno shakhsiyadka fara ku tiriska ah ee Alle xikmada ku manaystay maalinta ayaad heshay Aqoonsigagii. 
 
Wixii ina soo maray ee khalad ahaa,oo si dhab ah looga O’oyo aya ictiraf ah.qabiilka oo an hub laga dhigan ee cilmiga hub laga dhigto ayaa ictiraaf ah.ictirafku wuxuu ku jira siyaasiga damaca leh oo aynu ku xulano shakhsiyadiisa,lakiin aan qabiil lagu xulan ama dana kale oo gaar ah.wayo waa su’aal adag,oo masiirkeena xanbarsan xulashada hugaanku.
 
Bulshada oo diiniyan iyo akhlaqiyan iyo cilmiyan u dhisan,ayaa ictiraafku ku jira.wuxuu ku jira inaga oo ka fekerna jiilka danbe,iyo jiilka ka sii danbeeya,ee aay awooga u noqon donan horumarkoda.wuxuu Ictirafku 
ku jira gacmo isqabsi iyo iskaashi iyo wadajir oo loo shaqeeyo,Ciidana lagala soo baxo cuntada iyo dalaga beeraha oo la horuumariyo.
 
Tira koobka Bulshada waxaa lagu qiyaasa 2 milyan ugu yaran,laba milyan oo maskaxood iyo laba milyan oo Lugood iyo Gacmood,oo aynu midayno muruqoda iyo Maskaxdoda aya ictiraf ah.
 
Waxa la cadeyay khayradka ku jira dalka sida,Shidalka iyo Gaasta iyo dhuxush iyo Birta iyo Kobarta iyo Dahabka iyo macdanta kale ee qaliga ah(Gem stones ka.)intaa waxa ino dheer Kaluunka mawjada bada dul sabaynaya iyo Beeyada,dhulka oo aan qodano oo aamino aya ictiraafkii ku jira. 
 
Waxa la cadeeyay tariikhda faca weyn,iyo Aa’tarta qadiimiga ah ee dalkena ku dugan.waxa daruuri ah in aynu fahamno qiimaha tariikhda oo caalamka u mujina,inaga oo racayna sida ugu sahlan ee loo mujinayo Tariikhda qadiimiga ah,ee faca weyn ee dalka ku dugan.wixii aad tiqiin iyo wixii aan iqiin,oo laysu geyno aya ictirafku ku jira.
 
Kooxdan gadhwadenka ka ah Xukumada Kulmiye,waxa muqda in ay aburayso durufo adag oo bulshada ku khasba ujeedoyin ka horimanay Himiladoda.sidaa awged waxan kula talinaya,in bulshadu xamisho wixii anay jeclaysan ee kaga yimada,Kooxdan xukumada iyo xisbiga Kulmiye gadhwadeenka ka ah.
 
Hadii aan donaynu in aynu helo wax aynan nolosheena hore u helin,waa in aynu yeela wax aynan hore u yeelin.marka hore Dawladnimada ka bilow nafatada,marka xiga naftaada qabiil hub hawga dhigin,marka xiga naftaada Cilmigu hub haw ahaado.
 
WABILLAHI TOWFIIQ.
 
Muse Mohamed Hagi Duale.
Birminham Uk.duale@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews