berberatoday.com
“Saqda dhexe Askari Amar Qabaa Sawjadaa Mira’e. Sodoh Kama Xishoodaan Raggii Saafiga Ahaaye. Sharaf Maaha Inu Saado Dheer Caddow Solaystaaye. Habeen Sooljar Waakaa Udhacay Saafi Qiimo Lehe”Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool
March 24, 2016 - Written by Berbera Today

“SALAAMADA DULMIGA”

Sumcad iyo haweenkii lahaa sawrac lagu faano.

Hooyadii sareediyo xurmada samaha loo daayay.

Soomaali dumarkii ahaa siidh la wada dhawrto.

Semenkaa bedelay oo wakhtigan digasho weeyaane.

Saqda dhexe askari amar qabaa sawjadaa mira’e.

Sodoh kama xishoodaan raggii saafiga ahaaye.

Sharaf maaha inu saado dheer caddow solaystaaye.

Habeen sooljar waakaa u dhacay saafi qiimo lehe.

Sibiq-baa xabsiga lagu deldelay sabab la,aanteede.

Ceeb kama siq siqe iyo bidaha soo silsiladeeyay.

Dhaqan suuban iyo waxaan la barin suluxa diineede.

Siqiirkaan faleen xaajaday sidan ka yeeleene.

Sumad-baa ku taal ruux kastoo saymahaa galaye.

Sinji dhaladku noocaad ogtiin kuma sifoobeene.

Saaniga xalaal aan ku dhalan waw sax dhiiladuye.

Saqajaanka mooyee wax garad seef ma mariyeene.

Waa duni xumuhu sahay u yahay shalay siloonaaye.

Waa duni siyaasigu bedelay sax iyo khayrkiiye.

Waa duni salaamada dulmiga samada gaadhaaye.

Waa duni xaqii lagu saliday saaqid aan nixine.

Waa duni sunuud kii hayaa uu suldaan yahaye.

Waa duni sawaab iyo intii xumi saraysaaye.

Waa duni saliga ceebtu taal la iska seexdaaye.

ALLAHAYOOW nawada saamaxoo xaal waa Sidii kale’e. DHAMAAD

 

 

 

Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews