berberatoday.com
Wasiir cadaani la taliye yaashiisu miyay la taliyaan mise way ka taliyaan.
March 24, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiir cadaani la taliye yaashiisu miyay la taliyaan mise way ka taliyaan.
Iyada oo aynu ognahay ciidanka qaranka Jsl shaqada ay qaranka u hayaan culayskeeda ayaa wasiir cadaani uu caanku noqday in uu markasta garaaco,wax aan macno lahayna waydiiyo, weliba taliyaha guud ee ciidanka qaranka jsl lahka dlo.
Wiigii hore ayay ahayd marki uu xerada wasaarada ay soo gashay Ri, kadibna uu u yeedhay taliyihii wasaarada kuna canaantay Ri-da soo gashay xerada, kumuu joogin hadalkii taliyaha ee wuxuu la hadlay taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland Sareeye guuto fadal iimaan.
Habeen hore waxaa la jabsaday xafiiska Khasnajiga Tv ga Qaranka, waxaana lagala baxay shilimaad qadarkoodu dhanyahay 5900, 000slsh, waa wax aan gaadhin lix melyan, isla markii uu ogaaday wasiirku wuxuu la hadlay Cidaanka Danbi baa dhista taas oo ahayd talaabo sax ah, balse kumuu hakan ee Taliyaha guud ee ciidanka ayuu yidhi isoo gaadh oo aan ognahay hawlaha u yaala inta ay leegyihiin, wuuna u yimi wuuna balan qaaday in hawshaas uu meel kaga soo hadhayo. Nasiib daro iyada oo ciidamadii qaranku ay baadhistii wadaan wuxuu qabtay shir jaraa’id isaga oo ka hor dhacay baadhistii CID-da isla markaana waxa hareera fadhiya la taliye yaal aad u tirabadan oo ku aan baxay guul wadaynta iyo wanjalaada masuuliyiinta iyaga oo ku boorinayay sacabkana ugu garaacayay hadba khaladaadka midba midka daranyahay ee Wasiir Cadaani ku taalabsanayo kuna daawanaya isaga oo ceebeynaya shaqaalihiisii iyo ciidanka booliska ee xerada joogay oo runtii ah kuwo aad u akhlaaq iyo habdhaqan wacan, Taliyahooda ilaa Dablahooda, run marka laga hadlayo, kadibna wuxu codsaday in gebi ahaanba laga bedelo ciidanka oo mid cusub loo keeno. Taas oo keeni doonta shaqo xumo ileen waa ciidan cusub oo kuwii hore wixii lagu bedelay ogaa oo shaqaalahana aan gebi ahaan qof ka garanayne.
Kumuu hakan ee waxaa wasaaradu xarun u tahay abwaaniinta, isla markaana waxa jira meel ay wada fadhiista saldhigna u ah mid ka mid ah halgamayaashii dalkan ka xoreeyey rajiimkii siyaad bare, wasiiro ka horeyeyna ku maamuuseen in jiingad yar looga dhex sameeyo, waa Abwaan Cashuur oo aad wada garanaysaan, wuxu ugu abaal guday in uu ka saaro jiingadii yarayd ee uu ka deganaa wasaaradda.
Gebo gebadii waxaa ceebtii isu isoo taraysa oo maalin maalinta ka danbaysay yaab argagax ku noqotay shaqaale waynaha wasaarada iyo guud ahaan qaranka Somaliland.
Hadaba waxaynu sugnaaba wa bedelka ama eriska Wasiir cadaani maadama oo uu ceeb aan qarankana ka soo waaq sanahayn uu maalin maalinta ka danbaysa soo kor dhinayo. Iyadoo xaruntii uu masuulka ka ahaan ay ka sii darayso oo sidii warbaahinti hore u sheegtay ay ugu yaraan laba jeer Tvgii qaranku hawada ka baxay. Qaybta London a maalintii 7aad marayso. Wax live ah oo Tvgu baahin karaana aanu jirin iyada oo Bishii 18 may ee astaanta u ahayd dalkan ay fooda inagu soo hayso.

 

 

 khadar axmed (khadaryare650@gmail.com)
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews