Xukuumadda Xamar Oo Masaarida U Ogolaatay Inay Ka Kaluumaystaan Badda Somaliland
March 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somalia iyo dawladda Masar ayaa maanta Xamar ku kala saxeexday heshiis maraakiibta Masaarida u ogolaanaya inay ka kaluumaystaan biyahaa badda Cas ee Somaliland.Heshiiskan oo u dhigan sidii oo ay Somalia xukunto badda Cas ee Somaliland ayaa waxa dhinaca Masaarida u saxeexay Maxamad Fatxi Cismaan oo wasiirka Beeraha ee Masar kala taliya arimaha kaluumaysiga .
La taliye Maxamad Fatxi oo arintan uga waramaya warbaahinta Masaarida ayaa waxa uu kuluumaysatada Masaarida ugu bushaareeyey in heshiiskani u furi doono albaabadii badda Cas ee qaniga ku aheyd kaluunka kala duwan.