berberatoday.com
Xukuumadda Xamar Oo Masaarida U Ogolaatay Inay Ka Kaluumaystaan Badda Somaliland
March 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somalia iyo  dawladda Masar ayaa maanta Xamar ku kala saxeexday heshiis maraakiibta Masaarida u ogolaanaya inay ka kaluumaystaan biyahaa badda Cas ee Somaliland.Heshiiskan oo u dhigan sidii oo ay Somalia xukunto badda Cas ee Somaliland ayaa waxa dhinaca Masaarida u saxeexay Maxamad Fatxi Cismaan oo  wasiirka Beeraha ee Masar kala taliya arimaha kaluumaysiga .

La taliye Maxamad Fatxi  oo arintan uga waramaya warbaahinta Masaarida ayaa waxa uu kuluumaysatada Masaarida ugu bushaareeyey in heshiiskani u furi doono albaabadii badda Cas ee qaniga ku aheyd kaluunka kala duwan.

 

“Badda cas ee Somaaliddu waa meel ay biyo kala gadisani isugu yimaadaan sida dalalka Chile iyo Gibraltar ,sidaas darteed waxay baddani qani ku tahay kaluun kala jaad jaad ah sida Tuna-ha ,Mackerel-ka iyo Shrimis-ka” .

Mr Cismaan waxa uu sheegay in maraakiibta ugu badan ee ka kaluumaysata badda Cad (Meditreanian sea)  laga leeyahay dalka Masar waxaanu yidhi “heshiiskani maraakiibtii Masaarida ee ka hawlgali jirtay Badda Cad waxa uu u saamaxayaa inay u soo wareegaan badda Cas ee Somalia si ay uga daldashaan kaluunka ka buuxa “.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa waxay wasiirkii hore ee Kaluumaysiga ee UK Tony Baldry ku eedaysay inuu bixiyo rukhsado maraakiibta kaluumaysiga u ogolaanaya inay ka kaluumaysan karaan badda Somaliland taasoo ay Qaramada Madoobay ku tilmaantay arin kaluumaysatada  reer Somaliland ku dhiiri galin karta inay budhcad badeed noqdaan marka maraakiibta shisheeye ay xaalufiyaan baddii ay quutal daruuriga ka heli jireen.Mr Baldry ayaa isagu ku dacwooday inuu bixinta rukhsadaha ogolaanshe uga haysto xukuumadda Somaliland oo iyadu qaadanaysa 40% qiimaha rukhsad kasta oo la bixiyo.Hasayeshee lacag kastoo(fee)  oo laga qaado maraakiibta kaluumaysiga ayaan waligeed ku soo xaroon khasnadda dawladda Somaliland.Dalka Yaman ayaa waxa lagu qiyaasaa dakhliga ka soo gala doonyahooda ka kaluumaysta badda Somaliland $320 sanadkiiba.Dalka Somalia ee xadka la leh badweynta India  ayaan isagu xeeb ku laheyn badda Cas.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews