berberatoday.com
“Bahda Reer Subeer Awal Waa Gob Aan Ruux Bedeli Hayne.Waa Dhalad ILAAHAY Bokhroo Baydhin Waligoode.Boog Malaha Oo Waa Xigaal Lagu Badbaadaaye.Muusoow Balaynkaad Wadaa Waa Bar Kuma Taale.Hankaagii Babta Ahaa Tolkaa Wuu Ka Baydadaye.Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
March 25, 2016 - Written by Berbera Today

 

“BAR KUMA TAAL”

Bahda reer subeer waa gob aan ruux bedeli hayne.

Waa dhalad ILAAHAY bokhroo baydhin waligoode.

Boog malaha oo waa xigaal lagu badbaadaaye.

Nabad-bay bulshada kula dhaqmaan xumo ma beeraane.

Waa qarankan binadiisa iyo baalashii sidaye.

Balaayiyo xumaan kama tashaan kumana baaqaane.

Boqolaal saldanad soo jirtoo cidi ka been sheegin.

Nin bilaash u weeraray iyana waanu burinayne.

Ma bahdilo kas gaaboo xilkani waa bir aan jabine.

Muusoow balaynkaad wadaa waa bar kuma taale.

Shacbigoo baxnaanada hogaan bilan ku moodaayay.

Kula baafinaayoo kursiga kugula baal jooga.

Hiilkaaga bacadkiyo u tuban siigadiyo boodhka.

Adigaa baguugaha ka dhigay oo bad weyn galaye.

Hankaagii babta ahaa tolkaa wuu ka baydadaye.

Durba beretankaagii fashilan budulka weynaaye.

Dadku kuuma bogin ficilka xumi barasho weeyaane.

Bawdada adays jabiyayoo baanti daayacay.

Haldoorkii ku buun buunin jiray kuuma baxayaane.

Iska daa bushaaro iyo guul lagu badhaadhaaye.

Baryaday ALLOOW libin ha siin Beeshu leedahaye.

Imikay kasii baqanayaan inaad badh laysaaye.

Madax Dhaqan ninkii beegsadaa buuro fanan waaye.

Masuul biri ma geydo kolkaad buuqa ku abuurtay.

Ee aad cumaamado bilaa adigu boodhaysay.

Layliga ka buubka ah markaad baddada soo taagtay.

Ee aad bokhraay tidhi mid aan cidiba baandhaynin.

Bac badow laguu tuur xilkina waakan kaa buraye.

Bustaa dibeda adigaysku dhigay biicna socon waaye.

Boob laguma helo maamul qaran kiisa bilic weyne.

Ileen boodo barad waxad ahayd qaadi karin boose.

Bartaa joogso Ina biixiyoow waan baraarugaye.

 

 

Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)

Berbera/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews