berberatoday.com
Ganacsade Maxamed Aw Siciiid Faragelinta uu Ku Hayo UCID Waxay Khatar Gelinaysa Amaanka Ganacsigiisa.
March 25, 2016 - Written by Berbera Today

“Cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa”,ganacsade xoolahaaga ha ku qasaarinin wax umadda kala fogeynaya oo kala dilaya,ka daa xoolahaaga khamaarka,eexda iska ilaali oo godob ha ka gelin Siyaasiyiinta Walaalaha ah,Soomaalida Soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa”Booraan hadimo ha Qodin,Hadii Aad qodana Ha Hadheereyn ku dhici doontaaba Mooyee”,sida la wada xusuusto ganacsade Maxamed Aw Siciid waxa uu lugta kula jiraa siyaasadda Somaliland,iyadoo uu hore godobo badan uga galay Siyaasiyiin badan oo ay ka mid yihiin Cabdicasiis Samaale,Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe oo uu door weyn oo muuqda ku lahaa inay xisbiga KULMIYE kooto loogu xidho Muuse Biixi Cabdi,waxana khilaafyo badan oo ka dhacay gudaha xisbiga KULMIYE uu si weyn faragelin ugu lahaa ganabsade Maxamed Aw Siciid,hadaba tan iyo markii Muuse Biixi Cabdi loo caleemo saaray in uu noqdo Murashaxa kaliya ee u doorashada u meteli doona KULMIYE waxa soo baxday faragelin kale oo ganacsade Maxamed Aw Siciid ku bilaabay Xisbiga UCID.

 

Hadaba waxaan xusuusinayaa ganacsade Maxamed Aw Siciid taariikh hore oo soo kala dhex martay Raysal Wasaarihii Hore ee Somaliya ahaana Madaxweynihii aasaasay Somaliland Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal iyo nin ganacsade ah,xiligii ololaha doorashadii la qabtay 1966-kii ee uu Cigaal ku guulaystay in uu noqdo Raysal Wasaaraha Somaliya,waxa la sheegay in nin Cigaal ay isku Hayb ahaayeen oo ay ka soo wada jeedeen waqooyiga ,ninkaasi oo ahaa gaancsade ayaa waxa uu ka ololeeyey Cigaal oo Xisbigii kale ee Cigaal ay is hayeen ayuu garab siiyey,kadib Cigaal ayaa iskugu yeedhay odayaashii ardaagiisa iyo cid kasta oo arintaasi wax kala qaban karta Cigaal,markii Cigaal odayaashii la kulmay ayuu ku yidhi ninkan ganacsadaha ah ee maalkisii ku taageeraya qoladan aanu is hayno,waxaad kula talisaan laba arimood oo kala ah in taageeradiisa ka joojiyo ninkaasi ama uu aniga ii taageero,kadib odayaashii ayaa ergo ahaan ugu tegay ganacsadihii markasay fariintii cigaal gaadhsiiyeen ganacsadihii balse nasiib daro gaancasadihii wuu ka diiday labadii arimoodba,odayaashii waxay ku soo noqdeen Cigaal oo waxay u sheegeen in ninkii ka diiday labadii arimoodba,kadib Cigaal ayaa waxa uu ugu warceliyey inay iska daayaa laakiin hadhow aysan ergo ugu iman,odayaashii waxay yidhaadee waa sax,kadib Cigaal ayaa doorashadii ku guulaystay,kadibna ninkii wuxuu ka mamnuucay in uu dekedaha wax kala soo dego,mudo yar ayuu ninkii ku musalafay,hadaba qisadaasi cajiib ka ah waxaan xasuusinayaan Ganacsade Maxamed Aw Siciid.
Soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa”Cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa”,ganacsade xoolahaaga ha ku qasaarinin wax umadda kala fogeynaya oo kala dilaya,ka daa xoolahaaga khamaarka,eexda iska ilaali oo godob ha ka gelin Siyaasiyiinta Walaalaha ah,Soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa”Carrab Dalab leh Waa La gartaa,Uur Dadanse Lama Garto”,marka ganacsade qaato talada muhiimka ah ee ku aadan shaarftaada iyo karaamadaada inay aysan hoos ugu dhicin wax aan ku qalmin.
Ganacsade Soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa”Caano Daatay Dabadood La Qabay”,ka waantoow faragelinta aad ku hayso xisbiga mucaaradka ee UCID,madaama oo aad tahay nin ganacsade ah oo maalkiisu aduunka oo dhan daadsan yahay,Somaliland waxaad ku leedahay ganacsi balaadhan oo iskugu jira isgaadhsiinta internet-ka iyo mid kaleba,marka ogow ganacsade in xadhkahaaha internet-ka ee dhulka balaadhan oo ilaa xeebta ah daadsan inay khatar ugu jiraan in la waxyeeleeyo hadii ay sii socoto farageinta ay ku hayso xisbiga UCID.

Qore: Aqooon Yahan Xasan Maxamed
Email:xasan1231@gmail.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews