berberatoday.com
Qaar kamida xanuunada indhaha ku dhaca
March 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Qaar kamida xanuunada indhaha ku dhaca

waxaan halkaan ku qeexaynaa qaar kamida xanuunada iyo cudurada ku dhaca indhaha inshaa allaah. Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca
oo keeni kara indho-la’aan ama lumis
arag. Marka uu kugu dhaco gulukooma,
dheecaan ayaa buuxsama isha, taa soo
cadaadis saarta xagga dambe ee isha.
Cadaadis kaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve)
waxana uu sababaa lumis aragga ah. Badanaa marka hore waxaa wax yeelo soo gaartaa aragga dhinacyada, taa soo ay ku xigto aragga xagga hore. Noocyada Gulukooma Laba nooc ee ugu weyn gulukooma waa:
1: Gulukooma xagal furan (open-angle
glaucoma)
badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka gaarayso heer fog. Si tartiib ah
ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa
dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib. Taasi waxay saameysaa labada
indhood ba laakiin waxa laga yaabaa
inaad marka hore calaamado ku aragtid
hal il kaliya.
2: Gulukooma xagal xiran (angle-closure
glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo si dhakhso ah sare ugu kaca iyo calaamado si dhakhso ah u yimaada. Lumid aragga oo joogto ah ayaa ku dhici karta qofka maalin gudaheed.
sidaa daraadeed waxaa muhiim ah inaad hesho dawweyn deg deg ah . Xaaladaha Halista ah.
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid
gulukooma haddii uu jiro.
1: qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba gulukooma.
2: cudurka sonkor ama sonkorow ama kaadi macaan haddii uu kugu dhacay,
3: cudurka dhiig-karka haddii uu kugu dhaco ama cadaadis ka dhiigaagu uu noqdo mid sareeya,
4: haddii aad qabto cudurada wadnaha 5: ama shaqo yari ku timaada qanjirka qoorta (hypothyroidism)
6: Haddii dhaawac isha kaaga dhacay,
7: haddii laguugu sameeyay qalitaanada indhaha qaarkood
8: haddii aad qabto barar indho oo mudo dheer jiray
Haddii aad Qaadanaysay (steroids) muddo dheer
9: haddii da’daada ka weyn tahay 60 sano.
Calaamadaha Gulukoomada waxa laga yaabaa in ay san yeelan wax calaamado ah ilaa ay ka imaanayso lumidda aragga Calaamadaha kale ee cudurkaan aad ku arki kartid waxa ka mid ah:
1: Aragtida oo isku darsanta
2: iftiin ku wareegsan wax iftiimaya (Halos)
3: Lumidda aragga dhinacyada (peripheral vision) ka
4: Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision)
5: Indhaha oo casaada qofka
6: Xanuun indhaha ah oo daran
7: Lallabo iyo matag
LUMISTA ARAGA (VISION LOSS)
Calaamadaha ugu tirada badan ee lagu
yaqaano lumista aragga waa aragga oo si joogto ah u yaraada, iyadoo waxyaaba ha fog ka la garasha doodu dhib sii
noqoto. Hase yeeshee, waxa jiri karaan
calaamado kala duwan oo ay leedahay lumidda araggu oo aan ahayn yaraanta
aragga. Tusaale ahaan:
1: Guluukoomada (glaucoma)
wax yeela deedu hooseyso waxay keeni
kartaa xanuun aan badnayn, arag
ceeryaamo ku jirto iyo wareegyo ama
goobo leh midabka qaanso roobaadka oo lagu arko dhinac yada wixii iftiin leh. 2: Bur bur goobeed (macular degeneration) ayaa keeni kara arag khaldan; xariijimaha toosan waxa la moodaa inay qaloocaan isla markaana ashyaada waxa la moodaa inay ka weyn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin.
3:Caadka indhaha fuula (cataracts) waxa
uu keeni karaa aragti isku darsan,
midabada oo aad moodid in ay khafiifeen iyo iftiinka xoogga leh oo bir birqa.
4: Ciladda isha qalalani waxay keentaa
gubasho, iyo dareen xajiin ah oo indhaha laga dareemo.
5: Sonkorta xuubka dambe ee ishu
(diabetic retinopathy) waxay keentaa
aragga oo laba noqda iyo arag meel ku-
duwidda oo dhib noqota.
Calaamadaha lumista araggu waxay si
weyn ugu xiran yahay sababta keentay.
In aragtida lunto.
Xaaladaha qaarkood waxay si degdeg ah u keeni karaan lumid arag, halka qaar kalena ay si tartiib ah u keeni karaan burbur ku dhaca aragga.
DHIBAATOOYINKA ARAGGA ( EYE PROBLEMS)
Ishu waxay ka sameysan tahay saddex
qaybood.
1: Qaybta cad iyo lensiska oo iftiinka ku
duwa xagga hore ee isha,
2: Xuubka dambe (retina), oo ah xuub
iftiinka dareema oo ku yaalla xagga
dambe ee isha,
3: dareemeyaasha aragga (optic nerves), oo ah tiro badan oo ah xarko
isgaarsiin oo taga maskaxda.
Dad badan ayaa leh dhibaatooyin aragga ah oo u baahan inay gashadaan
muraayadaha indhaha ama lensiska
indhaha (contact lenses). Saddex
dhibaato oo’ah aragga ahna kuwa ugu tirada badani waa:
1: Fogaan arag Magaca loo yaqaanana fogaan aragga waa ‘hypermetropia’.
Dadka leh fogaan aragga waxa dhib ku
ah aragga waxyaabaha u dhaw. Sababta
taa keenaysaa waxa weeye kubbadda
isha oo aad u gaaban, taasoo keenaysa in falaaraha iftiinka ee ku wareegsan
ashyaada ay gaaran xagga dambe ee
xuubka dambe (retina) ka hor intaan
qaybta cad (cornea) iyo lensisku qaloocin falaaraha iftiinka. Fogaan araggu waxa uu badanaa sii xumaadaa marka aad sii gabowdid, waxa kale oo uu saameyn karaa habka aad u aragtid ashyaada fogfog. Dadka leh fogaan arag waxay badanaa u baahan yihiin inay xirtaan muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska
indhaha si ay wax u akhriyaan, u qoraan
una qabtaan hawlo faahfaahsan. Dhawaan arag Magaca loo yaqaanana dhawaan aragga waa ‘myopia’. Dadka
qaba dhawaan aragga waxa dhib ku ah
aragga waxyaabaha ka fogfog sababta oo ah kubbadda isha ayaa aad u dheer. Tani waxaa looga jeedaa in qiyaasta ay isku jiraan qeybta kore ee isha iyo xubka
danbe (retina) ayaa kala dheer. Markii
aan shey fiirino, iftiinka wuxuu soo
maraa isha wuxuuna gaaraa xubka
danbe. Haddii qeybta hore e isha aad uga fog yahay xubka danbe iftiinka wuxuu istaagaa qeybta hore e xubka danbe intii uu xubka danbe gabigiisaba iftiimi lahaa, taas oo dhibaateeynaaya in waxyaabaha fog fog si fiican loo arko. Dadka qaba dhawaan aragga waxay
badanaa u baahan yihiin inay xirtaan
muraayado sixid arag sida muraayadaha
indhaha ama lensiska indhaha si ay
baabuur u wadaan una qabtaan hawlaha shaqo ku leh eegista waxyaabaha fogfog. Dhawaan aragga waxa marmarka qaarkood lagu daweeyaa qalitaan laysar. Cawarnaanta Cawarnaantu (astigmatism) waa marka
isha qaybta cadi aanay si siman u
sameysnayn, taasoo keenaysa in iftiinku
ku kulmo qaybaha qaarkood ee shay,
laakiin aanuu dhamaan shayga ku
kulmin. Dadka aan wax dhib ah aragga ka qabin qaybta cad ee ishoodu waxay
leedahay qaab ah kubbadda koleyga,
halka dadka qaba cawarnaan uu qaabka
isha qabteeda cadi ay leedahay qaab ah
kubbadda rugbida dhibaato arag qabaan. Dadka qaba cawarnaanta waxay caadi ahaan u baahan yihiin inay xirtaan muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay u saxaan araggooda. Arag wax ka qabid waxa loo isticmaalaa in lagu tilmaamo dadka indho la’ ama bar ahaan wax arka, ee loo lama jeedo dadka qaba fogaan arag ama dhawaan arag.
Qofka aragga waxa ka qaba araggii ayaa wax ka lumay ama araggiisii ayaa
doorsoomay. Iyadoo ay ku xiran tahay
sida lumidda araggu u daran tahay, waxa xaaladaha loo yaqaana ‘arag bar ah’ ama indho la’aan. Arag bar ah Qof leh ama arag si daran u hooseeya waxa uu leeyahay arag si daran u hooseeya laakiin ma indho la’. Waxaa tan uu Ururka Caafimaadka Adduun ku ku
qeexay (World Health Organisation) qofka aan si cad u arki karin inta farood ee la tusay ee u jira fogaan ah 6 mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis). Indho la’aan Qofka indho li’i waxa uu qabaa lumid arag oo aad u daran mana awoodi karo inuu si cad u arko inta farood ee laga tusay fogaan ah saddex mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis). Hase yeeshee, waxa laga yaabaa inuu wali leeyahay xoogaa ah arag.
Hadaba waxaa jiraan xanuuno iyo cudurro badan oo ku dhaca indhaha khaas ahaan iyo kuwo kale oo kuwada dhaca indhaha iyo guud ahaan jirka.
Cudurada iyo xanuunada qaarkood ee indhaha ku dhaca waxaa sababa wax yaabo badan oo ay kamid yihiin isha sixirka jinka cudurada qaarkood sida sonkorowga dhiig karka cudurka baabasiirka hoos u dhac ku yimaada qaar kamida vitamins yada jirka cudurada sababa hoos u dhaca nidaamka difaaca jirka iyo asbaabo kale oo fara badan oo ay kamid tahay isticmaalka mukhaada raadka sida qaadka aalkolada sigaarka.
Si kasta ha ahaatee haddii aad leedahay dhibaatooyin la xiriira xanuunada indhaha aragtida iyo guud ahaan caafimaad kaaga xarunta taqasusiga ah iyo dhaqaatiir teeda ayaa kuu diyaarisay daawooyin rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan si aad u hesho daawo rasmi si aad u ogaato wax yaabo badan oo caafimaad ka ku saabsan si aad u hesho talo iyo tusaaleyn la soo xiriir dhaqaatiirta inshaa allaah waad mahad santihiin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews