Qasriga Qalcadda Ah Ee Cali Warancadde Ka Dhisanayo Bariga Hargeysa:Waxa Uu Yeelanaya Dabaq Dhulka Hoostiisa Ah Iyo Geerash Tobankiisa Baabuur Qaada
March 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa bariga magaalada Hargeysa ka socda dhismaha qasri balaadhan oo wasiir Cali Warancadde leeyahay kaasoo uu ka dhisanayo dhul weyn oo uu beerta Ilma Ficiis ka iibsaday.Dhismahan oo bilow ah ayaa marka la dhameystiro ka mid noqon doona kuwa ugu waaweyn ee dalka ka jira iyadoo uu yeelan doono dabaq dhulka hoostiisa ah iyo geerash qaada tobanka baabuur ee wasiirka ugu xareysan guriga uu hadda deganyahay kuwaasoo uu ka mid yahay gaadhi nooca aan rasaastu karin ah.