Dawladda Oo Aamina Waris U Boobtay Jago Agoon SNM Ahi 24 Sanadood Deganeyd Oo Shacabka Hargeysa Ku Taala+Daawo sawirada
March 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khamiistii dhaweyd oo taariikhdu aheyd 24/3/2016 goor ay saacaddu aheyd 6:20 subaxnimo ayaa ciidan hubaysan oo wata cagafyo iyo iska-rogooyin oo ay hor kacayaan wasiirka Daakhiliga Cali Warancadde,taliyaha Bilayska Cabdillahi Fadal iyo maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid waxay ku waabariisteen barxad ay qoys SNM ahi ay 24 sanadood deganaayeen oo ku dhaw gooladda kulmisa ama ay ku kala weecdaan wadada Shacabka iyo ta State House-ku.Wax ka yar 30 daqiiqo ayaa waxa digaan-digaha laga dhigay dukaan iyo hudheel yar oo wax laga cuni jiray iyo makhsin yar oo la seexdo.Sida sawirada halkan ku yaala ka muuqda, shilfad dhulka lagagama tagin oo burburkii dhismeyaashii cagafta la mariyey waxa lagu guray oo qaaday iska-rogooyinkii la soo diyaariyey.