berberatoday.com
”Jamaal Cali Xussen Ma Aha Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid, Xiligii Aanu Musharaxa Udoornay Xisbiba Maanu Aheyn Urur Siyaasadeed Ayaanu Aheyn“Faysal Cali Waraabe
March 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo mar dhaweyd warbaahinta kula hadley Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaa uu daaha ka rogay tuhun baryahaaba laga qabay oo ahaa inuu Majara habaabiyo Hanka Iyo Musharaxnimada aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxaanu Faysal Cali waraabe Kudhawaaqay in Jamaal Cali Xussen aanu aheyn musharaxa  Madaxweyne ee xisbigaasi UCID,

IMG_0332

Faysal Cali Waraabe waxaa  uu  sabab uga dhigay hadalkiisa  isaga oo sheegay in wakhtigii Jamaal loo doortey Musharaxa  madaxweyne uu xisbiga  UCID ahaa urur siyaasadeed balse  xisbigu  iminka uu dooran doono musharax madaxweyaha ee uga qeyb gali doona doorashooyinka la filayo inayb dalka ka dhacaan isla markaana ay shir weynahoodii golaha dhexe qaban doonan marka ay diwaangalintu dhamaato waxaana uu yidhi

“Jamaal Cali Xussen  ma aha musharax yaa idinku yidhi waa musharax , maalintii aanu musharaxa ka dhignay xisbiba maanu aheyn  hadii uu musharax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa ” Ayu yidhi  Faysal Cali Waraabe

Sidoo kale  gudoomiye Faysal Cali uu sheegay in  xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye uu xidhiidh ka dhexeeyo isla markaana ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID  ay dano ka dhexeeyaan iminkana uu kalan la leeyahay madaxda xisbiga Kulmiye  isga oo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi waxaanu yidhi

“Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada dan baa naga dhaxeysa iminkana shir baaba aanu wada galeynaa markaas dano guud iyo mid gaar baa naga dhexeeya ee ma ceebaa taasi ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Faysal Cali Waraabe

Gudoomiye faysal cali waraabe ayaa waayadan danbe oo dhan lagu xidhiidhinaayay inuu ku milmay Siyaasada dawlada iyo Xisbiga Kulmiye isaga oo la shegayana in uu dilaal buuran ka qaatay Ganacasadaha Maxamed Awsiciid oo isaga dabada kawada musharaxnimada Madaxweynenimo ee Muuse Biixi Cabdi aduun kastana ku bixinaya sidii Msuaharax Jamaal cali Xuseen looga takhalusi lahaa,

Goor dhaw filo jawaabta Mushsaraxa Madaxweynaha xisbiga Ucid aqoonyahan jamaal Cali Xuseen oo ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay faysal cali waraabe Gudoomiyaha xisbiga Ucid

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews