berberatoday.com
Gofane Yar Oo Waji Ku Macaash Oo Lasoo Abla-ableeyay “Axmed Talyaani Wuxuu Ahaa Ninkii Maydka Dilaalay”
March 27, 2016 - Written by Berbera Today

Waxaan ka xumahay hadal dhataqle ah oo tawaawac u badan oo Axmed Nasiye kasoo yeedhay oo uu kula dul ciiray Musharaxa Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo aanu fahmi Karin luuqada uu ku hadlay iyo waxa uu ka hadlayba. Aqoon la,aanta Taariikhdu waa shayga lagu tilmaansado dhacdooyin hore kuwaas oo tusaale u noqda waxyaabo badan oo nolosha binu aadamka ah, qof walba waxbay ka xustay taariikhdu oo ka mid waayihiisa nolosha iyo heerarka uu soo maray haday noqoto guul iyo guul daraba, markaad rabto inaad ogaato wax kamid ah waxaad dib u jaleecaysaa taariikhdiisa nololeed uu soo maray si aad wax uga ogaato, ha ahaato mid waxbarasho, shaqo ama siyaasadeed wax kaaga filan inaad ogaato taasbaa ku noqonaysa qiimaynta aad wax ku qiimaynayso wax uu yahay qofkaasi.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Lax dhukani col iyo abaarba moog, waxaan aad ula yaabay gofahan yare e waji ku macaashka ah oo markii horena (Ururkii Nasiye) ka ahaa Gudoomiye waraabo u taag oo loo samaystay in lagu karbaasho ninka uu maanta iskaga dhigayo inuu wax taray, waxaan xasuustaa mar ragii mus danbeedka NASIYE ee ahaa mishiinkii waday intay fiishta kala baxeen ayay mar qudha caynka u jareen oo yarkani intuu cidlo iyo far madhnaan soo istaagay ayay ku kaliftay inuu dilaalo qalfoofka maydkii loo xambaariyay ee ururka Nasiye iibiyo kaasoo waa hore bakhtiyay. Wax yar Kadib wax soo baxday murankii maydka Nasiye iyo dacwada lacagtii uu dilaalista u qaatay axmed nasiye oo gaadhay ilaa heer odayaal. Kasoo kale waxay ahayd in siyaasada laga mamnuuco gabi ahaanba.
“Ilayn Siyaasadu ax Ma Tidhaa”. Waxaan ka xumahay hadal dhataqle ah oo tawaawac u badan oo Axmed Nasiye kasoo yeedhay oo uu kula dul ciiray Musharaxa Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo aanu fahmi Karin luuqada uu ku hadlay iyo waxa uu ka hadlayba. Aqoon la,aanta siyaasada ka haysta waxa uu Xisbiyada Qaranka ku tilmaamay (Geel Nin Kaligii Iska Leeyahay), hadaladaas oo ahaa qaar dhaawac ku ah nidaamka dimuqraadiyada iyo axsaabta badan, wuxuu garanwaayay inay xisbiyadu yihiin hanta qaran oo aanay ahayn hanta shakhsi. Waxaan leeyahay haday cidi siyaasad ku fashilantay waxaad ahayd gudoomiye waraabo u taag ah oo ilaa maanta sita title ururkii lahaa uu shan sano mootanyahay, walina ku qanacsan in loogu yeedho…yaaab. waxaad noqotay gofone yar oo kolba cidi ku shubato sida prepaidka. Layaabna kuma lihid oo waaba shaqadaada waxaas, inta badana dhaqanka waji ku macaashka ayay tahay in maalinba meesha uu ka helayo uu ka miiso. “Ninbaa Laga Hayay Waar Hebelow Adigu Diinteed Haystaa Wuxuu Ku Jawaabay Isagoon Meel Fogba Ka Doonin Adeer Maalinba Tii Hilibe, Kolkaa Axmed Talyaani Waa Maalinba Tii Hilibe”.
Alaa Mahad Leh
Maxamed Aadan
Hargeisa Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews