berberatoday.com
Tuug Hubaysan Oo Dhac Iyo Boob La Beegsaday Laamo Xawaaladeed Oo ku Yaalla Hargeysa Iyo Ciidanka Booliska Oo Afka Ka Xidhay
March 27, 2016 - Written by Berbera Today

Caddadka Lacagta laga dhacay Laanta Xawaaladda Dahabshiil ku leedahay Xaafadda Daami

Hargeysa(Berberatoday.com)-Laba Xafiis oo ka mid ah Laamaha Xawaaladda Dahab-shiil eeMmagaalada Hargeysa, ayaa Nin ku hubeysan Baastoolad uu isku dayey inuu baadho Shalay gallinkii danbe, laakiin labada Xafiis mid ka mid ah ayuu ku guuleystay inuu ka qaato lacag dhan $500, halka Xafiiska kalena uu ku guuldaraystay oo hawl-wadeenkii ku sugnaa oo uu iska daafacay.

Labadan laamood ee Xawaaladda Dahab-shiil ayaa ku yaalla Xaafadda 150-ka ee Waaxda 26-ka June iyo Xaafadda Daami.

Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan xaafadda 150-ka oo ku dhawaa goobta dhacdadani ka dhacday, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey dhacdadani “Walaal Salaaddii Casar ka dib, Saacaddu markii ay aheyd 4:08pm ilaa 4:15pm ayaanu ku soo baxnay Qaylada Ninka haysta Xafiiska Dahab-shiil ee Xaafadda 150-ka iyo Orodka Nin kale oo ka soo baxay isla xafiiskaasi”.

Xogaha aanu ka helayno dhacdadaasi waxa kale oo ay intaasi ku darayaan in muuqaalka  Ninka weerarka geystay  uu ahaa Nin dheer oo xooggan oo  gadh isku jooga leh, cummaamadna wejiga ku duuban, oo sita baastoolad, isla markaana uu ku fakaday gaadhi yar oo nooca loo yaqaano indho caddaha ah oo yaalay meel wax yar ka danbeysa Xafiiskani.

Sidoo kale, dhacdadan mid la mid ah ayaa la sheegay inay ka dhacday isla xilligaasi laanta Xawaaladda Dahab-shiil ku leedahay Xaafadda Daami, iyadoo laga qaatay lacag caddadkeeda lagu sheegay $500 (shan boqol oo doolar), inkasta oo aan la hubin in cidda weerarka labaad geysatay uu yahay Ninkaa isku dayey inuu dhaca ka geysto laanta 150-ka.

Wararka Madaxbannaan ee Wargeyska HIMILO helayo ayaa sheegaya inaanay jirin khasaare nafeed oo ka dhacay weerarrada tuugada ah ee laga geystay labadaasi laamood ee Xawaaladda Dahab-shiil, marka laga reebo hatigaadda, hanjabaadda, Cayda iyo raadka naxdimeed ee hawlwadeenada laamahaasi ay ku reebtay hubka loo adeegsaday dhacdooyinkan.

Dhinaca kalena, Maamulka sare ee Xawaalada Dahab-shiil oo Wargeyska Himilo khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo dhacdadani, kuna gaabsaday inaanu waxba ka ogeyn. Balse Taliska Ciidanka booliska Somaliland oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suurto galin inaanu wax jawaab ah ka helno, ka dib markii ay xidheen Telefoonnadooda Gacanta, inkasta oo Xogaha dheeraadka ah ee Wargeyska Himilo helay sheegeen in Booliisku Shalay illaa Xalay wadeen Hawl-gallo ay ku baadi-doonayaan Ciddii falkan geysatay.

 

 

 

Xigasho wargeyska  Himilo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews