berberatoday.com
Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Saaxil Oo Hargeysa Lagu Xidhay Isaga Oo Aan Xilkii Wareejin Iyo Dawladda Oo Dilkii Taliye Casayr Qaab Baylaysan U Baadhaysa
March 28, 2016 - Written by Berbera Today

Xaamud2Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa maanta Hargeysa lagu xidhay Badhisaab ku xigeenkii gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdilaahi .Ma jiro war rasmi ah oo dawladda ka soo baxay oo xadhigan ku  saabsan ,hasayeeshee  ilo xogogaal ah ayaa sababta  Badhisaab ku xigeenka loo xidhay ku tilmaamay mid la xidhiidha falkii lagu dilay taliyihii qaybta bilayska ee gobolka Saaxil Marxuum Cabdirizaaq Yuusuf Maxamud(Casayr) iyadoo ay xiligaa dilku dhacay ay marxuumka iyo badhi-saab-ku-xigeenku wada socdeen,waxaanu Kuxidhan yahay Xarunta C.I.D Hargeysa.

Badhasaabka Kuxigeenkan maanta xabsiga loo taxaaaya ayaa dhawaan xilkii Gudoomiye Kuxigeenimo laga qaaday iyada oo aan cid xilkaas loo soo magacaabay jirin Xaamud Xuseen cabdillahina aanu xilkaas wareejin uuna dalbaday inuu xilka ku wareejin doono cida loo soo magacaabo hase yeeshe warqada xilka lagaga qaaday ayaa lagu amray inuu xilka ku wareejiyo Gudoomiyaha gobolka  Saaxil.

Dhinaca kale waxa isa soo taraya dhaliilo loo jeedinayo habka ay u waddo badhitaankii kiiskan iyadoo lagu eedaynayo inay arinta u maamulayso qaab qabyaaladaysan oo ka baxsan hanaankii dawladnimo ee loo baadhay kiisaskii hore ee lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada .

 

Dhinaca kale ciidamada amaanka ee Berbera ayaa xalay la galiyey heegan buuxa ka dib markii la ogaaday inay jirto dablay hubaysan oo soo gashay magaalada Berbera kuwaas oo kasoo jeeda Jufada Taliyaha Geeriyooday isla markaana ay isku qarinayaan  guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha magaalada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews