berberatoday.com
Ruushka Oo Gantaal Badheedh Ah Ku Dilay Sarkaal Ka Tirsan Ciidamadiisa Si Aanay DAACISH U Qaban –
March 28, 2016 - Written by Berbera Today

Moscow(Berberatoday.com)-Warar laga helay milateriga dalka Ruushka ayaa xaqiijiyey in ciidamada cirka ee Rushku ay khamiistii ina dhaaftay gantaal si badheedh ah ula eegteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Ruushka, meel u dhow magaalada Taddamur ee dalka Suuriya oo ay maalmihii u dambeeyey dagaalo adagi ku dhex marayeen xoogagga DAACISH ee haysta magaalada iyo ciidamada Bashaar Al-Asad oo doonaya in ay dib u qabsadaan.

1

Afhayeen u hadlay ciidamada Ruushka ee ku sugan saldhig ku yaalla woqooyiga-galbeed ee Suuriya oo u warramay wakaaladda wararka Interfax ee dalka Ruushka ayaa isagu xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan balse aan carrabka ku dhufan sababta dilistiisa badheedhka ah keentay. “Waxaa la dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Kamaandoosta ee ka hawlgalayey degaanka Tadammur, xilli uu ku jiray hawl ahayd in uu diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ku soo hago bartilmaameedka argagaxisada” ayaa uu sarkaalkan u hadlay Ruushku yidhi. Isaga oo intaas ku sii daray, in sarkaalkani uu maalimihii u dambeeyey ku sugnaa aaggan oo uu ka soo gudbiyey xog uu ku xaddidayo bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee DAACISH, iyo in uu diyaaradaha Ruushka u diray maclumaad iyo ishaarooyin u suurtogeliyey in ay si sugan u beegsadaan bartilmaameedyada.

Sarkaalkan oo sida ay ciidamada Ruushku sheegeen si qarsoodi ah loogu dejiyey meel ku dhow aagagga ay haystaan DAACISH si uu diyaaradaha Ruushka ee hawada ku jira ugu diro ishaarooyin u suurtogeliya in ay si aan surmo-seegto lahayn u beegsadaan bartilmaameedyada DAACISH ayaa ugu dambayntii ku dhintay gantaal ay soo ridday diyaarad ka mid ah diyaaradihii hawlgalkan ka qayb qaadanayey ee Ruushka. Ciidamada Ruushka oo loo malaynayo in ay ka baqayaan dareen-celin taban oo kaga timaadda dadkoodu waxa ay ku doodayaan in sarkaalkani uu isagu si iskii ah isaga oo aan dareensiin taliskiisa iyo diyaaradaha midna isku soo hagay gantaalkan, kadib markii uu arkay in uu khatar ugu jiro in ay gacanta ku dhigaan ciidamada DAACISH oo aagga baadhis xooggan ka galay. Waxase jire xogo si qarsoon looga helay isla milateriga Ruushka oo xaqiijinaya in markii sarkaalkani uu arkay in DAACISH ay u dhowdahay in ay qabato ee uu ku wargeliyey taliskiisa, ay arkeen Ruushku in aanay badbaadin Karin, sidaa awgeed ay iyagu si badheedh ah oo aanay isaga kala tashan ula beegsadeen gantaal diyaaradi tuurtay oo uu ku dhintay.

Isla khamiistaas ayaa ay kooxda DAACISH soo bandhigtay maydka sarkaal Ruush ah oo ay sheegeen in uu ahaa la’taliye milateri iyo hub iyo saanado kale oo milateri, waxa aanay sheegeen in uu sarkaalkani ka mid yahay shan askarta Ruushka ah oo ku dhimatay dagaalka Tadammur.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews