berberatoday.com
Shiinaha Oo Ka Hadlay Ujeeddada Saldhig Milletari Oo Uu Dhawaan Ka Sameeyay Jabuuti
March 28, 2016 - Written by Berbera Today

Jabuuti(Berberatoday.com)-Dawladda Waddanka Shiinaha ayaa sharraxaad ka bixisay qorshaha saldhigga Shiinaha uu dhawaan ku yeeshay dalka Djibouti.

Warka ShiinahaSaldhiggaas oo ciidamada badda ee dalkaasi Shiinaha ay ku yeesheen Djibouti ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo Shiinuhu ku yeesho meel ka baxsan dalkaasi Shiinaha. Shiinaha ayaa sheegay in saldhiggaas aanu uga dan lahayn isballaadhin dhanka militariga ah inuu sameeyo, balse ujeedkiisu yahay sidii gacan looga geysan lahaa ammaanka gobolka Geeska Afrika iyo horumarkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan sheegasho uu Shiinuhu sheegtay inuu leeyahay marin biyood muhiim ah oo ku yaala Badda Koofurta Shiinaha ayaa ku keentay shaki dalalka qaaradda Asia iyo Mareykanka.

Shiinaha ayaa in badan ku celceliyay aanu doonayn inuu sida Mareykanka oo kale dhigo meelo badan oo caalamka ah militarigiisa oo aanu doonayn in sidiisa oo kale saldhigyo militari oo badan uu daafaha caalamka ka samaysto.

Dhanka horumarinta gobolka ayaa waxaa laga yaabaa in Shiinuhu damacsan yahay in Itoobiya uu u fududeeyo inay hesho fursad ay ku adeegsato badda si dabadeed si sidii hore ka wanaagsan la isugu xidho ganacsiga ka dhexeeya qaaradaha taasoo horseedi karta in ganacsiga Shiinuhu sii tis qaado si fiicana ula xidho xidhiidho dalalka  caalamka ee dadka badan ee badeecooyinka Shiinaha suuqyo wax ku ool ah u noqon kara.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews