berberatoday.com
Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Xisbiga UCID
March 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge Liiban oo iska casilay xilkaasi isla markaana hada kamida ah siyaasiyiinta madaxa banana ayaa ka hadlay khilaafka dib uga soo istaadhmay xisbiga mucaaradka ah ee ucid una dhaxeeya gudoomiyaha xisbiga ucid eng faysal cali waraabe iyo musharaxa madaxwayne ee xisbiga ucid aqoonyaha jamaal cali xuseen

22(154).jpg22(154).jpg

waxaana cabdikariim axmed mooge qoraal kooban ku baahiyey barta barah bulshada ee facebook waxaa aan uu ku bilaabay :-

“gar waa loo wada islaame jamaal Cali xussein, waa laga gardaranyahay! maalintii loo dooranayay in uu jamaal yahay musharaxa ucid, maxaa khasbayay maalintaas in musharax laga dhigo jamaal ali hussein, may tartamaan iyagoo urur bila musharax ah, sidii kulmiye, wadani iyo ururadii kale ee hadhay ay ugu galeen tartanka iyagoon iclaamin musharaxiintooda?

hadiise shirweyne dhacay oo jamaal loo doortay musharaxa madaxweyne ee ucid, jamaal xaq wuxuu u leeyahay in uu hal doorasho madaxweyne ku galo ticketka ucid, ama ha helo ama ha wayee.

somaliland waxay u bahantahay in dib loo eego shuruucda asxaabta si loo helo xisbiyo salbalaadhan oo dhexdooda dimuqraadiyadi ka jirto. somaliland waxay oon u qabtaa in la helo xisbiyo aan ku suntanayn qof ama koox hadii kale sideedi hore borame hayskaga soo shirto

somaliland xisbiyadeeda waxaan ku naqaanay musharax aan cidi la tartamayn taas oo ka hor imanaysay ma’badiida dimuqraadiyada ee iminkana ma waxay soo kordhinayaan in laga noqon karo musharax la doortay? haday ka noqoshada jamaal suuro gasho

Alle Ayaa Mahad leh.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews