berberatoday.com
Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi oo si cadho leh uga jawaabey khilaafka ucid , Gardaradana dusha usaarey faysal cali waraabe
March 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)- Aqoonyahay maxamed haruun  biixi oo ka mid aha masuuliyiintii sarsare ee xisbiga ucid xiligii labda garab ee udub iyo ucid isku biireen ahaana qoraaga heshiiskiii ay wada saxeexdeen soo qoray soona diyaariyey ayaa waxaa uu hadalka maanta uu kaga dareen celinayaan yahay mid cadho ah oo ka xanaaqey gudoomiye faysal cali waraabe siduu udafirey heshiiskii , hadaba qoraal uu kaga hadalay bartiisa facebooka soo dhigey waxaa uqornaa sidan

 

Xisbigii UCID qaylo kale ayaa ka soo yeedhay. Qayladiisu mudoba waa ay baxaysay, ee hadda ayaa ay saani banaanka u timid.

Wax la yidhi niman mayd sida, ayaa si xaal ka noqdayba, uu maydkii gacmahooda ka muruxsaday oo ka dhacay. Nin raggii ka mid ah ayaa yidhi – hadda ayaa uu sii go’ay! Ayaan daradda xisbigan dhexdiisa ka jirta, ee bixi wayday, cid keliya ayaa eedeeda oo aan qaybsanayn iska leh, waana Faysal Cali Xuseen. Baabuur ayaa uu Faysal ku wadaa biriij aad u dheer dushiisa, hadba midig iyo bidix ayaa na uuu si xooggan isteerinka ugu qabanayaa. Dhibtu waxa ay tahay, haadaanta hareeerihiisa ee biriijka ka hoosaysa ma arko, ama ma doonaayo in uu arko. Ma dareensana waxa uu samaynaayo in isaga iyo gaadiidka uu saaranyahay (UCID) ba ay ku bixi karaan, oo aan dib loogu yeedh-yeedhi doonin. Faysal si jees-jees ah, oo cidnaba aanu kala tashanin, ayaa uu suuqa (Hotel Maansoor) uga leeyahay Jamaal ma aha musharax! Wa hadal af ka wayn. Anigu gacantayda ayaa aan ku qoray heshiiskii qoraalka ahaa ee uu Jamaal xisbiga ku soo galay, isla markaana musharaxxa ku noqday. Faysal qoraalkaas waa uu saxeexay, golaha dhexe ee xisbiga, oo Faysal uu koow ka yahay na waa ansixiyay, tobanaan xafladood na waa uu kaga khudbeeyay in Jamaal la doorto. Hadda waxa uu Faysal leeyahay wixii oo dhan halna ma ka jiro, hadda iyo markii horeba aniga ayaa sax ah. Xubnaha xisbigu na waxa ay leeyihiin – waa hadii aan ka yeelno! Weli tan oo kale? Gari tol ma taqaanno, oo Faysal ma taqaanno, oo xisbi ma taqaano. Gari Ilaahay baa ay taqaanaa!

– Wadartii tolkay, iyo intii waaxid iga beeray.
– Wiil iyo walaaloba hadii, aanu isku waayayno.
– Walee midhka ila gudboon, baan cidi I waydaarin.

Maxamed haaruun biixi

maxamed haaruun

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews