berberatoday.com
Faysal Cali Waraaba Buudhi Mandhan Ayuu jamal Cali Xuseen Ka Kiriyeey Asagun Wali Ma Darsine Daadafeyn Ayuu Xusbiyadii kale Dusha Ka Sarayaa ?‏
March 29, 2016 - Written by Berbera Today

Faysal Cali Waraaba Buudhi Mandhan Ayuu jamal Cali Xuseen Ka Kiriyeey Asagun Wali Ma Darsine Daadafeyn Ayuu Xusbiyadii kale  Dusha Ka Sareyaa ?

 Islaan ayaa laga hayaa Hooyo Rag hortii ha caban !.

Waxa shalatay aan arkay warbaahiyaasha Musharax Madaxtinimad Xusbiga Ucid  Jamaal Cali xuseen oo Weedho  hanjabaad iyo cabasho eedeymo dusha kag tuuraya Xusbiga xaakimka  Kulmiye Gudoomiyihiis Isla markaan ah Musharax Madxtinimadee  doorshad 2017 waxii gaadha hadii Alle idmo.

 Ha yeeshe weedhaha  jamal  cali xuseen waxay i soo xusuusiyeen Sheeko  qarniyo ka hor ka dhacadey Magaalada Hargeysa oo ahayd  sidaa la sheegay Niman   Xoolo Dhaqato ah oo xagaa iyo Godey iyo Qalbidahar dhulkaa somalida Degta ah   kana  soo safaray ayaa yimi  Hargeysa ayagoo  ahamin wada waxay sidi had iyo jeer Xoola Dhaqata u caado ah markay safarka yihiin  Inay Seeyladii   Keenen Adhiga Ahminka ay wadaan  markii ay Seyladii   adhig ahminka ahaa keenan dabdeed waxaa looga iibsaday gacan marsi  markii ay howsha intii ugu adkeyd iska tiirsheen ayeey  u soo daadegeen  suuqa Magaalad  halkaas ayaa ninba wwaxii uu  dantiisaa gaar ahaaned ahayd ee ugu weyneyd baahidiisa ayuu  baadi goobay mid dhar iyo kaboo Dhar – arad  Caruurtiisi uu iibsha mid Timir Iibsad iyo mid  arad gaar ahaaneed iibsad nin waliba markii waxii uu doonayay  tafta ka soo buuxsaday ayuu hadan meelihii lagu balamay iyo lay-sugu yimi   waa la is xogweystay  waxaad doonaysay “ma wada heshay mise waxba ka maqan  oo aanu kula doonaa ayaa hadalkii u batay  nin waliba waxaa  uu ku jawaabay safar waa ii dhan yahay ee kaagu ma ku dhan yahay ?

Markii Nimankii  daneysigood soo afmeermay ayaa waxay ku  dhaqaaqeen sidii  Gaadiidka ugu horeya ee maanta baxayaa  inaany ka hadhin waxaay u soo dhaqaaqeen istaankii wakhtigaa looga bixi jiray dhulkaa ay ka soo safreen waxay la kulmeen nin buudhi mandhan  hoos fadhiyaa oo afar foosto afarta geesood  u rukun u tahay  waxay markiib si degdegsimo ku jirto u Su aaleen Gaadhigu  maanta ma baxaya  Nin kiina kamuu qasin aad yar ayuu ugu jawaabay haa waa baxay waliba qalble ayaan doonaya inan ku baxo Adhi ayaan doonay inaan ka soo qaado Qalbidahar iyo intaa u dhow.  

Nimankii  hadal b badan ma sii galin,e  nin walib allaabadiisi ayuu dusha kaga tuuray si dhakhso ah waxii nooligu ahaana nin walib waa bixi yay  mid foodya –bagaaraha fuul mid dhiga dhexe  iska la laadiya  iyo mid Timirta wakhtiga cajiib ahayd ku dhex cuna Buudhigii mandhnaa  ayaa markii wakati badani ka soo wareegay goortay lacagta ninka siiyeen  eee ay budhiga madhan dusah uga baxeen waar Ninkii mee iyo gaadhigu miyaanu baxayn ayaa  laysku boobay iyo  kurtii iyo  into lah meel ayaan ka soo kaxaynay ma been buu inoo sheegay  si kastaba ahaate nimankii iyo arintii ku dhacaday waxay noqotay mah mah hadhi weyday oo tidahad sidii  nimankii hadka galay buudhiga madhan laga kireeyey  ninkii arintaa dhigayn sidaa la sheegay F aysal cali waraabe  reerka uu ku abtirsado ayuu ahaa .

Waxa taas oo kale dhigan maanta  Jamaal Cali Xuseen waliba isagu waxuu nimanka kaga duwan yahay waa Nin Hargeysa ku korey ma dhanko waa uu ku dhashaye kuna  barbaaray Kuna qaangadahay  marka isagoo ahaa ninka caynkaas  hadana hadh-gaala  buudhi madhan Faysal  cali Waraabe ka kireeyey sidaa  Nimankaa an kor ku soo xusay ee Xoolo Dhaqatad ahaa  ilaa iyo maalintu xusbiga soo galay  lama arag Xusbigaas oo Siyaasad Mideysan iyo Hadalmidsan  iyo Mawqif mideysan leh maalinba  maalinta ka sii dan bays waxaan hore looga joogin aya lag maqalyaa  walian waa Socotaa .

Gebagabadii  Gunaaddka.

Jamaal waxaa la gudboon intaa aanad hadal kaa dhicin inaad siyaasad Hufan oo meel mar ah  wax ku falan qayso  hadii aan in yar oo kale ku sii daro  Aqoontii iyo waayo aragnimadii ma waxaay noqotay markii aad Jamhuuriyad somaliland Siyaasadeed soo gashay mid  saqiirtay ?intaa waxan kugu darayaa  la arkaaba Faysal oo isaguna arinta  ayaamah soo socad si kale uga hadlee bal horta adiga iyo Xusbigan aad buudhigiisi  dushiisa dabayshu kugu garaase  waa halkii oadaygii  la odahan jiray canfaardee adiga iyo Gudoomaiyaha Ucid Is hubsado wax isku ogaad  Kal Hadal iyo  Siyaasada aan wada socon arinteed meel salka u dhigaa . hadii kale intaa karamdu kaga dhicin inta goori-goor tahay badheedh oo  “Madhararo Cunistee Waxaa kaga Manaafac Roon Adigoo Maydhaq Daydaya “ waliab waanad u Da, yarte.

Abokor Mohamud

Abokorm@hotamil.co.uk

Bolton Uk

Waa Billahi Towfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews