Daawo Muuqalka”Wariye Sadex Maalmood U Afduubnaa Wasiir Cali Waran Cade Oo Garaacis Iyo Jidh Dil Loo Geystay Kawaramay Iyo Fadeexad Wasiirka Dulhoganaysa
March 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wariye Cabdifataax ismaaciil Caarshe oo kamida wariyayaasha ka hawl Gala magaalada Hargeysa gaar ahaan Tvyada madaxa banaan ayaa mudo sadex maalmood ah afduub ugu xidhnaa Wasiir Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyada oo wariyuhu ku xabisnaa guri kuyaala agagaarka Beerta xoriyada Hargeysa.
Wariye Cabdifataax ayaa sheeay in ciidanka ilaalada u ah wasiirka iyo dhalinyaro kale oo kasoo jeeda jufada wasiir Waran Cade ka qafaasheen suuq weynaha Hargeysa isaga oo dhexmaraya.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warbixintan