berberatoday.com
Baco kootarabaana oo lagu qabtey dakada berbera iyo ganacsatada oo digniin hore loo siiyey aan waxba ku qaadan
March 31, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa (Berberatoday.com)- Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Jamhuuriyadda Somaliland oo adeegsanaya ciidamada amnaanka ayaa gacanta kusoo dhigtay gaadhi nooca xamuulka qaada ah, kaasi oo siday bacaha isticmaalkooda dalka laga mamnuucay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo Digreeto wadanka kaga mamnuucay bishii April ee sannadkii hore. Kootarabaankan ayaa ka soo degay marsadda Berbera.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Maxamed Cilmi Xuseen oo shalay warbaahinta qaranka u waramayay ayaa waxa uu sheegay in ciidanka boolisku aysoo qabteen gaadhi siday bacaha kala duwan ee dalka laga mamnuucay, waxaana uu tilmaamay in sharciga la horgeyn doono gaadhigan iyo kootarabaankii uu siday-ba.

“Sida la wada ogsoon yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu digreeto ka soo saaray joojinta bacaha, maanta waxaanu soo qabanay gaadhi dhan oosiday baco kootarabaan ah oo soo maray dekada Berbera, soona maray waddada ka timaada Berbera oo ay ku guulaysteen inay soo qabtaanciidamadda booliska iyo shaqaalaha wasaaradda deegaanku,”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanku.

Maxamed Cilmi waxa uu ku dooday in ganacsatadu iska indho tireen dhaqan-gelinta digreetadii lagu mamnuucay bacaha, isla markaana ay si kootarabaan ah ay dalka ku soo geliyaan bacaha, waxaanu yidhi “Ganacsatadu waa ay iska dhego mariyeen digreetadii bacaha lagu mamnuucay, bacda qiimaheedii kor ayuu u kacay, si tahriiba ayaa dalka lagu soo geliyaa waxaana ay ka soo gashaa xuduudaha dalka, gaadhigana sharciga ayaanu hor-gayn doonaa, tallaabo sharciyanawaa laga qaadi doonaa.” Agaasimuhu kama uu hadlin inay qabteen Ganacsadihii lahaa bacahan Kootarabaanka ah iyo in kale.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews