berberatoday.com
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka France Oo Si Qota Dheer Uga Hadlay Khilaafka Cakiran Ee Xisbiga Ucid
March 31, 2016 - Written by Berbera Today

mo fFrance(Berberatoday.com)-Xisbiga ucid waa hanti qaran madaxdiisuna waxay ka mid yihiin hantida qaranku leeyahay. Waa run hadii madaxu qofka xanuuno jidhka intiisa kale khalkhalbaa ku dhaca. Hadaa aragteen madaxdii gobolada oo si khaldan u hadlaysa waxa keenay madax xanuunka ku dhacday hogaanka xisbiga. Marka madaxaasi bogsado iyaguna way bogsanayaan ee shacbiga somaliland ka raali ahaada wixii dhacay may haboonayn in markii u horaysay aad aragtaan hawlwadeenadii xisbiga oo si aan fiicnayn u hadlaysa.

Hawl wadeenada xisbiga waxaan leeyahay siiba togdheer iyo AWDAL may ahayn in aad ka mid noqotaan khilaafka xisbiga ee waxay ahayd in aad xal u noqotaan. Caado u maynaan u lahayn in aynu inagu is weerarno cadawgeenu wuu ka sokeeyaa ucid waanu ka shisheeyaa ee halkaas ka fiirsada hawna noqonina mardambe inta shacabka ka raaligaliya Qofna garanti uma haysto in aanu waligiiba khaldamayn. Waa sunne nololeed khaladku lkn saxbaa loo abuuray oo isna jira. Dhibaatadu waxay dhacdaa marka sidii haboonayd aan waxba loo xalin. Arintani waa dawo dadkayna wax tusaysaa caqligoodaana lagu imtixaamayaa shacabka somaliland. Gudomiyuhu isagaa xisbigan somaliland u keenay mabbda wanaagsana wuu ku dhisan yahay xisbikasta wax la laga gartaa magaciisa. Waanad ku mahadsantahay. Intayadii ku dooratay barigaad musharaxa ahayd adaa ugu dhalinyaraa musharixiinta lkn shacabkuna kumay fahmin oo kaamay faaiidaysan oo maskaxdaa fayaw ee dada yar laguguma tixgalin dalkana Looma tudhin. Kaligaa maad dhicin ee Waynu wada dhacnay. Maantana: JAMAAL CALI XUSEEN adigaa xisbiga keenay naguna qanciyay in uu yahay shaqsiga kaliya ee faraska looga dagi karaa in uu yahay jamaal cali xuseen. Anaguna waanu ku qanacnay. Gudoomiye kaama yeelayno in aad maanta masaaajidka QIBLATAYNKA nagu tujiso. Xuquuq shacbi ayaa jirta mid hawl wadeen ayaa jirta mid taageere ayaa jirta mid wadaninimo ayaa jirta in tuba dhawris iyo masuuliyad ayay u baahanyihiin lkn meelbaa lagaga dhacayaa. Dadkii Mar uun doonayay in ay arkaan dalkan oo CADAALAD iyo DARYEEL lagu xukumaayo maanta ma qabato in iyagii (shacabkee) cadaalad daro ku dhacdo. Waxaan xasuustaa adiga oo leh maaha uun in aad guulaysato adigu lkn waaa in FIKIRKAAGII aad samaysay guulaysto. Waxay ahayd wax aanay umadu soomalidu ku fakarin oo adiga kuu gaar ahaa. Maanta waxaan arkayaa adiga oo fikirkaaga la dagaalamaya. KA daa gudoomiye. Anigu waxaan kuu arkaa in aad tahay ninkii yidhi (hadaad taliso oo taladaada la diido in la jabo ma jeceshahay ). Hore ayuu shacabkani u soo jabay dalkuna maanta wuu dayacanyahay. Dhibaatooyin baddanna way haystaan. SIDA mid dhaqaale mid colaadeed oo laynaga la dagaalamay dhinicii caafimaadka aqoonta xuduudaha badaha iyo mid rabaaniya oo cunsuriyadeed. Sidaa darteed maaha inaguna dadka in aynu garashada la dagaalano.

Dalku amaan maaha: Siyaasiyan. Oo somaliya ayaynu halis ugu jirnaa. BAdeenu: amaan maaha oo xaalufbaa lagu hayaa. Caafimaadka: amaan maaha oo dadka waxa kala goostay DAWOOYIN AAN TAYO LAHAYN, DHAKHAATIIR LA AAN, JAAD, ABAARO. IWM. DALKU CADAW BUU LEEYAHAY KU FILAN MA QAADI KARO CADAAWADIINA. SIDAA DARTEED ANIGU WAXAAN KU TALINAYAA. Xisbiga ucid waa doorkii uu dalka hogaankiisa qaban lahaaye. KA daaya carqalada oo sharciga xisbiga tixgaliya ku dhaqankiisa Jamaal cali xuseenna waa shaqsigii ku haboonaa ee dalka xukumi lahaa marka loo eego labada murashax ee kale MUUSE BIIXI IYO C. CIRO. sidaad horeba u sheegtee wada shaqeeya oo daneheena khaaska ah aan ka horaysiino ta guud ee qaranka. Waad mahadsantihiin

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka France

Maxamed Axmed Muuse DIRIR

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews