berberatoday.com
“Karaamadi Waxaa Dilay Mid Aan Kiisba Qabanayne. Kun Jeer Faysaloo Dhacay Markuu Kaalin Geli Waayay.Jamaal Koobsayoo Hiil Markuu Ucid-da Kaalmeeyay”Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
March 31, 2016 - Written by Berbera Today

Jamaal faysal“Gabayga KALA KAAN”

Kacdoonada siyaasigu beryahan kadde dadkoodiiye.

Kuraasidu masiibay noqdeen kooto iyo xooge.

Iyadoo kamaamada bulshada shicibku kooxoobay.

Nin Dan lihi intuu keeno sudhay dhab u karbaashaayo.

Karaamadi waxaa dilay mid aan kiisba qabanayne.

Kun jeer faysaloo dhacay markuu kaalin geli waayay.

Jamaal koobsayoo hiil markuu ucid-da kaalmeeyay.

Kobta libinta deerooy markuu kor ugu soo qaaday.

Kaskii cali waraabaa qaribay guul Kolkay timiye.

Kaash gurasho mooyee han way kala lugeeyeene.

Muran iyo kelmado naaqusnimo korodhso mooyaane.

Kootaligu duul inu kasbado kaafka kuma taale.

Kaartadi aqoon yahanka iyo jabi kabaalkiiye.

Heshiiskiyo sharcigi kala dhex yiil maalin kala tuurye.

Munaafaqu axdiga kuma dhaqmee kibir u beeneeye.

Astaamaha kufrigu waw astaan waana kala kaane.

Xisbi kiro ah iyo madaxtinimo waa dar kala Dheere.

Khalqigoo kuyuu ugu jiroo kaadhka wada haysta.

Waxaa kaba la,aan baday nin aan ceebtu kari hayne.

Inuu kaashifnimo dheefsadaa waa kadeed culuse.

Wixii laysku kaashaday badheedh dhab uga kaaftoonye.

Kulmiyiyo waddani labada gelin Kulan ha yeeshaane.

Abudkii dilaal kama koree kuusas loo tiriye.

Halkuu murashax foodka u kacee loo kalahay guusha .

Adiguna kufkaa ka hadhayoo malihid kaynaane.

Halkaa kuudud koofiyad bacloow kaadhkii kaa gubaye.

Karantiimo laantana ka noqo karah lagaa qaadye.

 

Abwaan Xiis

Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)

Berbera/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews