berberatoday.com
Laba Gardaaqnimada Aadan Biyoolaha Ku Sheeganayo Xisbiga Ucid Gobolka Togdheer uga yahay Masuul miyaanu ahayn kii Xaday Xafiiska ee Xabsiga la dhigay, kadibna Kulmiye Ku Biiray Goormu Ucid Kusoo Laabtay!!!
March 31, 2016 - Written by Berbera Today

Aadan Biyoole waxa saacad walba lasoo xidhiidha Wasiiro ay Isku beel yihiin oo uu kamid yahay Wasiirka madaxtooyadda Maxamuud xaasi iyo Wasiirka kale ee hawlaha guud Cali Mareexan, waxana loo adeegsadaa inuu ku hadlo afka xisbiga Ucid, iyadoo danaha laga leeyahayna ay kamid tahay mashruucyada loo sooDulaanka lagu damacsan yahay in lagu burburiyo xisbiga Ucid, waa mid kusii baahaya gollada dalka, waxana la marayaa in shaqsiyaad kamid ah Xisbiga Xukuumadda ee Kulmiye inay soo xidhaan, shaadh ah xisbiga Ucid, kuwaasoo ummadda lasoo hor-fadhiistay inay yihiin masuuliyiinta xisbga Ucid ee gollada Togdheer iyo Awdal.

Tusaale ahaan Masuul dhowaan ka hadlay Tv-yadda qaarkood oo sheeganaayey inuu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer, ayaa kamid ah dadka iska dul xidhan labada shaadh ee Ucid iyo Kulmiye. Ninka sheeganaayey inuu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer, waxa ummaddu markhaati ka ahayd inuu usoo dhacay xafiiska xisbiga Ucid oo uu jabsaday, sidoo kale, waxa markhaati ma doon ah inuu Xafiiska uu jabsaday ka qaatay Waraaqo iyo sidoo kale agabkii yaalay badhkood.

Raacdo kaddib waxa maamulka degmada iyo Ciidamada Boolisku ku guuleysteen inay soo qabtaan Tuugga soo xaday Xafiiska Xisbiga Ucid ee Gobolka, waxana loo taxaabay Xabsiga Magaalada Burco, halkaasoo uu in muddo ah ku xidhnaa aakhirkiini waxa halkaa kasii daayey masuuliyiin kamid ah Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye. Waxa in muddo ah kaddib uu shaaciyey inuu ka baxay xisbiga Ucid kuna Biiray xisbiga Tallad haya ee Kulmiye.

Aadan Biyoole waxa saacad walba lasoo xidhiidha Wasiiro ay Isku beel yihiin oo uu kamid yahay Wasiirka madaxtooyadda Maxamuud xaasi iyo Wasiirka kale ee hawlaha guud Cali Mareexan, waxana loo adeegsadaa inuu ku hadlo afka xisbiga Ucid, iyadoo danaha laga leeyahayna ay kamid tahay mashruucyada loo soo adeegsanaayo Gudoomiye Faysal ee lagu burburinaayo xisbiga Ucid, isla markaana lagula dagaalamaayo Musharrax Madaxweynaha ee Xisbigaas.

Hase-yeeshee, waxa facaj iyo amakaag ah inuu shaqsigaasi haddana maanta ku hadlo afka Xisbiga Ucid ee gobolka Togdheer, waxana arrintaasiiyo kuwo kale oo badani markhaati u yihiin dagaal xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Ganacsato kale oo shuraako ku ah la dagaalanka Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen ku hayaan, kuwaasoo usoo adeegsanaaya Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe oo noqday Gudoomiye ma gudbe ah oo la saaxib ah shilimaadka yaryar ee maalinba nin u dhiibo. Waxa kale oo Faysal Cali waraabe noqday masuulkii koobad ee Dunida lagu arko isagoo xisbi hoggaamiya oo haddan u ololeynaaya xisbig kale, waa arrin laala yaabo. Faysal iyo somaliland si fiican ayay isku baraatay, shirqoolkan maanta loo soo adeegsanaayo Faysal-na waa kii ugu dambeeyay ee uu cuno, waxana dhowaan dhici doonta inuu xisbigu ka takhaluso oo banaanka ka geeyo si uu xisbigu u guuleysto, Musharraxa xisbigaasina waxa ummadda iyo Ilahayba og yihiin inuu yahay Jamaal cali Xuseen, kulmiye ma bedeli karo kalsoonidii ay siiyeen golaha dhexe ee xisbiga Ucid la soco aadan Biyoole iyo shaqsiyaadka Masaariifta ku siiya Burburinta iyo been abuurka Ucid.

W/Q

Carmiye Cali Guuleed

Burco /Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews