berberatoday.com
Midhaha Hees Ay xuruufta Af-soomaaligu Ku dhan Yihiin Oo Lagu Daray Manhajka Waxbarashada Iyo Abwaankii Allifay Midhaheeda Oo La Maamuusay
March 31, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

GUDAHA KA AKHRI: Midhaha & Hal-ku-dhegga Heestan Iyo Magaca  Abwaanka Curiyeyba

wasiirkawaxbarashadda

 

Hargeysa (Berberatoday.com) – Wasiirka Waxbashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa shahaado-sharaf ku maamusay Abwaan Faarax Murtiile oo allifay hees ay ku dhan yihiin xuruufta Afsoomaaliga, taas oo lagu daray manhajka waxbarashadda Somaliland. Heestan oo magaceedu yahay “BIGIL” waxay ka hadlaysaa xuruufta Afka Soomaaliga, isla markaana waxay  u sahlaysa carruurta yaryar inay si dhib yar u baran karaan 21-ka shibbane iyo shanta shaqal ee xuruufta Afka Soomaaliga, iyadoo Wasiir Habbane ku dhawaaqay inay heestaas ku darayaan Manhajka Waxbarashadda Somaliland. “Abwaan Faarax Murtiile waa shaqsi mudan in la yidhaahdo mahadsanid, waayo waxa uu guud ahaan Waxbarashadda ummadda reer Somaliland ugu deeqay suugaan qayb laxaad leh ka qaadan doonta wacyi-galinta iyo kor-u-qaadka waxbarashadda dalka, waxaan leeyahay Abwaanka taariikhda ayaa ku xusi doonta, dhinaca suuggaantana waxaan ka ballanqaadayaa in aan soo noolayn doono oo aan u adeegsanno abaabulka iyo wacyigelinta waxbarashadda,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi-dheere oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xidhitaanka shir lagu falanqeeyey siyaasadda waxbarashadda Somaliland oo muddo saddex maalmood ah ka socday Hargeysa. Abwaan Murtiile ayaa isna dhinaciisa ka dareen-celiyay shahaado sharafta lagu maamusay, waxaannu yidhi; “Waxa ii farxad ah in Wasaaradda Waxbashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland igu maamuustay shahaado-sharaf qiimo weyn iigu fadhida. Ujeeddada ka dambeysay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane uu i guddoonsiiyo shahaado-sharafta ayaa ahayd, kadib markii heesta la yidhaahdo ‘BIGIL’ oo ka hadlaysa xuruufta Afka Soomaaliga haddii ay tahay shibbanayaal iyo shaqallaba oo cod iyo laxan-ba la raaciyay, isla markaana aan ugu talogalay carruurta yaryar, gaar ahaan kuwa qurbaha jooga inay ku bartaan afkooda hooyo ee Afsoomaaliga si ay wax ugu qori karaan, waxna ugu akhriyi karaan.” Waxa kaloo uu abwaanku “Waxaan ku faraxsanay in heestii aan u sammeeyey carruurta yaryar ee qurbaha ku nool ay Wasaaradda Waxbashadda Somaliland ku dartay manhajka waxbarashada Somaliland. Waxaan u mahad-celinayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Md. Yuusuf Cismaan Garas oo xil weyn iska saaray sidii heestani ‘BIGIL’ qiimaheeda loo muujin lahaa, loona maamusi lahaa abwaankii curiyay, taasina waxay i gelisay inaan sii laba jibaari doono dedaalkii hore ee aan waday ee ahaa tayeynta iyo kobcinta afka Soomaaliga, waxaanan soo bandhigi doona kalan-dhar (Calender) Afsoomaali ah oo laga baran doono 12-ka bilood ee Soomaalidu leedahay iyo afarta xilli, kaas oo aan u bixiyay gu’dhowr oo dhawaan la soo bandhigi doono. Taas oo ujeeddada aan u curiyay ay ahayd:

Dhaqan Dumay Aqoon Duugantoo Dabo Ka Qiiqaysa,

 Oo Dabar Go’aysaan Lahaa Daaha Yay Rogane,

Da’da Soo Kacaysaan Lahaa Yay Ka Doorsamine,

Dirirkiyo Laxihii Baan Lahaa, Ha Isla Doonteen,

Dayaxana Ha Eegtaan Lahaa, Dawga Uu Mara’e,

Gu’ Daroorray Doogoo Baxay Darita Oo Hoortay,

Xagaaga Oo Dabeylaha Watoo Kiciyay Duufaano,

Dayr Curatay, Jilaal Dudaday, Daydo Iman Weyday

Intaas Oo Is Daadihineysa Oo Midiba Door Joogo,

Oo Uu Dadkeennii Lahaa Dega Ee Guurayay,

Oo Aan Digtoorkuna Aqoon, Duuliyaha Maanta,

 Oo Doogsin Carartaan Rabaa Inaan Dabbaalo,”  

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews