berberatoday.com
Maxaad Ka Taqaanaa Nin Ilkihiisa Gaadiidka Waaweyn ku Jiida, Masaabiirta Liqa, Afkiisana Ku Burburiya Quraaradaha
April 1, 2016 - Written by Berbera Today

Cairo(Berberatoday.com)-Karim Xuseen oo loo yaqaan ninka ugu xoogga weyn magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaasoo ilkihiisa ku jiida baabuurta waaweyn, isla markaana liqa masaabiirta, afkana ku burburiya quraarado, ayaa ka sheekeeyey mucjisooyinka Alle siiyey ee uu ku awooday inuu waxyaabahan samayn karo.

The Wider Image: 'Pharaoh', the king of Cairo strongmen

Ninkan oo qoyskiisu iyo asaxaabtiisu u yaqanaan Fircoon, ayaa markii uu yaraa ahaa ninka ugu xoogga badan da’diisa, isagoo ku dooday inuu leeyahay abuur cajiib ah oo Alle siiyey oo u fududaysa in jidhkiisu si deg deg ah xannuunka u nuugo oo aanay dareemin wax xannuun ah.

“Waxa aan safarkan bilaabay markii aan ahaa ku dhawaad toddoba ilaa lix jir. Waxa aan cabi jiray koob caano ah, koob badhkii oo subag ah iyo koob kale oo sharaab kala duwan ah. Waxa aan bilaabay in aan quraarad ama koobka gacayta ku jiro cuno ilaa maanta oo aan da’dan ahayn waxa aan cunaa saddex amma afar koob quraarad amma eeri ah waqtiga quraacda.  Maalin maalmaha ka mid ah oo aan rayisle joogay waxa aan gacantiisa kala baxay muraayad uu igu eegaayey, kadibna waan cunay,” ayuu yidhi Xuseen.

38 jirkan, ayaa sidoo kale inta baabuurta waaweyn xadhko adag loogu xidho ilkihiisa ku riixa, mararka qaarna ilkaha ku qaloociya garaa’id amma biro aad u awood badan oo xadiid ah.

“Markii Waalidiintay ogadeen in aan cuno quraaradaha iyo eeriga, kadibna ay I arkeen anigoo masaabiirta calaalinaayay, waxay ii geeyeen dhakhaatiir badan si ay xaaladayda u badhaan, waxaanay ogaadeen in aan quraaradaha dheef-shiidi karo sida cuntada oo kale,” ayuu yidhi Xuseen.

Waxa kale oo uu xaqiijiyey in mucjisadan ay ubadkiisuna ka dhaxleen, kuwaasoo awood u leh in ay feedho qawanaan dul jiifsan karaan quraarado jajaban.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews