Wargeys Maanta Ka Soo Baxay Paris Oo Sheegay In Madaxweyne Siiraanyo La Aamusay $ 5Milyan Oo Amiirka Kuwait Ugu Soo Dhiibay Abaaraha
April 1, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeys ka soo baxa magaalada Paris oo la yidhaahdo Indian Ocean Newsletter ayaa cadakiisii maanta ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo markii uu ka soo noqday booqashadii uu ku tagay dalka Kuwait badhtamihii bishii hore (March 15-19) uu ummaddiisa kala aamusay 5 milyan oo doolar oo Amiirka dalka Kuwait ugu soo dhiibay in lagu gargaaro dadka ku nool gobolada galbeedka Somaliland ee ku tabaaloobay abaaraha.
Sida uu wargeysku sheegay Aamina Maxamad Jirde oo ah afada Siiraanyo ayaa madaxweynaha ugu digtay inuu ka hadlo lacagtan iyadoo dib u xasuusinaysa inay ku shubtay xisaabteeda baanka (Akaawn).