berberatoday.com
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka War Bixiyay Bilowga Dacwadda Eedasaneyaasha Shaqaaqadii Hadayta
April 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka war bixiyay bilowga dhegaysiga dacwadda loo  haysto eedaysaneyaal u xidhnaa weerar lagu qaaday goobo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha gobolka Awdal ka socotay oo lagu magacaabo Hadayta.Eedaysanayaasha dacwadan loo soo xidhay oo ay ku jiraan Salaadiin iyo Cuqaal iyo  dad kale ayay tiradoodu dhan tahay 16 qof,kuwaasoo ku xidhnaa xabsiga Mandheera.

 

Gudoomiyaha-Maxkamada-Sare-aadan-xaaji-cali

 

 

 

Dhegaysiga dacwadda eedaysaneyaashan oo ka bilaabantay dorraad khamiistii Degmada Mandheera ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo u waramay Wargeyska DAWAN. waxaa uu sheegay in dhegaysiga Maxkamaddu uu yahay mid furan oo aan qarsoodi ahayn isla markaana ay ka qeyb gelayaan dhegaysigeeda qareenada difaacaya eedaysaneyaasha iyo xeer ilaalinta dacwada ku soo oogtay ka sakaw ururrada Xuquuqal insaanka qeybo kala duwan oo ka mid ah bulshada rayidka ah ehelada iyo qoysaska eedaynaeyaasha,saxaafadda iyo dadwayne kale.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa intaa ku daray in furitaankii Maxkamadda  iyo dhegaysigeedii koowaad ee Khamiistii oo ay goob joog ka haayeen dad gaadhaya boqol qof oo kala duwan in ay ku so dhammaatay soo jeedinta eedaha Xeer ilaalinta iyo su’aalaha ay waydiiyeen qareenada difaacayay eedaysaneyaasha.waxaanu intaa ku daray in ay sii socon doonto maalmaha soo socda isla markaana ay tahay Maxkamad  furan oo qeybaha kala duwan ee bulshaduna ay dhegaysigeeda ka qeyb gelayaan.Waxaanu intaa ku daray in garsoorka dalku uu yahay mid qaadaya kiisas aan qarsoodi ahayn oo lala dhuumanayo meel kasta oo Maxkamaddu ay ka furantona ay u furan tahay dhegaysiga qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tan iyo markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Garyaqaan Aadan Xaaji Cali,ayay wax badani iska bedeleen qaababka dacwadaha  loo qaado waxaanu garsoorka dalku noqday mid furan oo si cad looga qeyb qaato dhegaysiga dacwadaha Maxkamadaha dalka ka socda.Bulshada reer Somaliland ayaa kiisas badan oo uu soo af-jaray intii uu guddoomiye Aadan Xaaji Cali joogay ku ammaanay iyo tallaabooyin is bedel oo uu ku sameeyay garsoorka dalka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews