berberatoday.com
“Iska Hadlow Ina Igare…..Faysal iska Daa Guddoomiye Xigeen 3aad e’ Xataa Xoghayeyaasha Ma Eryi Karo Ee………” Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Jawaabay Wareegtadii Gudd. Faysal C. Waraabe Soo Saaray
April 2, 2016 - Written by Berbera Today

ISKA HADLOOW INA IGIRE- FAYSAL CALI WARAABE MA ERYI KARO GUDOOMIYE KU XIGEEN SHIR GOLE DHEXE LAGU DOORTAY – ISAGAANA DHAWAAN XILKA LAGA QAADI DOONAA MAXKAMADNA LALA TIIGSAN DOONAA -XISBIGII UCID WAXAA LA DOONAYAA IN LOO SADQEEYO XISBIGGA KULMIYE OO MUUSE BIIXI DABADDA KA WADO

Waxaan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha xisbigga UCID, iyo dhamaan inta nabadda jecel, inta dimuqraadiyadda jecel, iyo inta cadaaladda jecel in la doonayo in xisbiggii UCID si waali ah loo jaah wareeriyo oo la burburiyo iyadoo la adeegsanayo Faysal Cali Waraabe. Waxaad ogaataan Faysal xisbigga shakhsi buu ka yahay, waxaanu u biyeystay in uu dabadda geliyo xisbigga Kulmiye. Waraaqahaasi iyo hadaladaasi uu Faysal sida jaah wareerka ah u soo qorayo ee uu u soo bandhigaayo warbaahinta waxa looga soo laqimay xafiiska xisbigga Kulmiye. Waraaqahaasi iyo ereyadaasi uu ku leeyahay cid baan eryay iyo cid baan magacaabay kuligood waxay baal marsan yihiin shuruucda xisbigga UCID, awood siinaysaana ma jirto. Wixiisu waa naf la caarid, cay, aflagaado, iyo xil ka qaadis. Dheg jalaq haw siinina; ee naga dhur suga mar labaad ayuu taariikhda ku gelayaa in maxkamad lala tiigsado. Doorkana cadeymahii, shirqoolkii, iyo burburkii uu xisbigga la beegsaday ee Muuse Biixi dabadda ka wado cidna waxba kaga qaadi maayo ee waa mid Muuse Biixi iyo Faysalba taariikhda ku geli doonaan.

Taageerayaasha xisbigga waxaan u sheegayaa in Faysal iyo xubno uu magacaabay oo Kulmiye ka tirsani ay doonayaan in Xisbigeennii ay burburiyaan oo Kulmiye u adeegaan ee noo samra warku dhawaan buu kala cadaan doonaaye; Cali Gurey ma jirto in uu Faysal magacaabay, ee waxa uu Gudoomiye ku xigeenka 3 aad ku noqday heshiiskii Badbaado ee ay wada galeen garabkii UDUB ka soo diga rogtay iyo intii ka hadhay xisbiggii UCID ee xilligaasi burburay.

Cali Gurey oo markaasi ahaa raggii ugu waaweynaa ee garabka UDUB ayaa heshiiskaasi darteed xilkaasi ku qaatay ka dibna waxaa ansixiyey golaha dhexe ee xisbigga UCID.

Sharcigga xisbigga meelna kagama taallo in uu Faysal magaacaabi karo ama eryi karo cidna; bal eega sharcigga xisbigga qodobka 22 aad ee ka hadlaaya waajibaadka gudoomiyaha. Faysal iska daa Gudoomiye ku xigeen 3 aad e, xataa xoghayayaasha ma eryi karo ee wado loo maro ayeey leedahay. Faysal si indho la’aan ah ayuu ku socdaa, dabadana waa laga wadaa ee waxaanu banaanka soo dhigi doonaa cida kula jirta shirqoolkani burburinta xisbigga UCID waxaananu la tiigsan doonaa maxkamad iyo xeerarka xisbigga; wajiga horena waa Sharcigga oo la tiigsan doono iyo cadeymaha burburinta khiyaamo Xisbi Qaran.

.Alleylahe waa rafadkay rafanaysay; meel wanaagsan bay maraysaa!. Xisbigii UCID wuu kala miirmayaa; Cida dheeraadka ku ahna waa layska qaban doonaa, waxaananu ku rajo weyn nahay inuu sharcigu shaqeeyo

 

 

Musharax Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews