berberatoday.com
Umal-Khayr Ibraahin Xuseen Oo Ah Inantii Ay Dhashay Gudoomiye Rooda Axmed Yaasin Oo Dhaawac Halis Ahi Kasoo Gaadhay Weerarkii Lagu Beegsanaayay Hooyadeed Oo Xaalad Khatar Ah Ku Sugan Iyo Labada Dhegooda Oo Dhiig Kasoconayo
April 2, 2016 - Written by Berbera Today

nabar2
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa dhaawac halisa oo ka gaadhay labada dhegooda ujiifta oo cisbataalada dalkuna waxba ka qaban kari la yihiin 
Umal Khayr ibraahim Xuseen oo ah  inantii ay dhashay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda axmed Yasin ee dhawaan kooxdii shufatada aheyd ee lasoo abaabulay dhaawacyada midida ah iyo budhadhka isugu jira la dhceen iyaga oo weerar qorsheysan la beegsaday guriga ay Hargeysa ka dagantahay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yasin oo xiliga weerarkaasi dhacaayay suuqa kaga maqnayd guriga balse qorshaha dilku bartilmaameed u ahaa iyada markii Rooda Axmed Yasin la awaayayna inanteeda oo suqa ka timi oo guriga hortiisa gaadhi raaxo ah kaga dagaysa weerarkii lala beegsaday iyada oo hooyadeed la moodayo.

 

dhaawacayada Umalkhayr Ibraahim Xuseen soo gaadhay oo ahaa midi laga galiyay naaska dushiisa meel kaloo feedhuhu kamid yihiina lagaga xagay ayaa waxa ugu daran oo ilaa hada loo maaro layahay oo dhakhaatiirta caafimaadka ee dalku waxaba ka qaban layihiin labada dhegooda oo dhiig kasocda Umalkhayr Ibraahim Xuseen oo ah inanta ay dhashay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yasin. Saaka mar aanu kula kulanay Hargeysa rooda axmed yasin oo Inanteeda dhaawacyada halista ah qabta kusida gaadhigeeda iyada oo marbna cisbataal gaynaysa ayaa waxa ay noosheegtay inay inanta dhaawacan xaaladeedu khatar kujirto cisbataalada dalkana ay mid kasta gaysay waxana laga qaban waayay dhawacyada kaga yaala dhegaha ee dhiigu kasocdo sida ka muuqata sawirada aan saaka kaqaaday aniga oo ah Maxamed Cabdillahi Soofadhiiste oo Hargeysa kusugani,

nabar2

Sidoo kale Marwo Rooda Axmed Yasin waxa ay sheegtay in aan ilaa hada cid weerarkaaas caruurteeda waxyeelada halista ah loogu geystay ee nafteeda lala beegsanayay aanay Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo haayadaha amaanka dalku toona cidna uqabanin dacwadeediina aan laga hoos qaadin sidoo kale waxa ay sheegtay Rooda Axmed Yasin Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil iska daa wax loo qabtee in xitaa Tvyadii Hargeysa ay warka weerarka gurigeeda lagu qaaday kusiisay la qabsaday oo layidhi sidee war uga qaadaan oo ay inamadii tvyadu usheegeen arinkaas cabudhinta ah ee la leeyahay hadaad cid dawlada iyo Xisbigeeda dhaliilaysa aad war ka qaadaan waxa laydin kala noqonayaa ruqsada aad dalka kaga shaqaysaan waxa sidaas sheegtay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid  Marwo Rooda  Axmed Yasin,

Ugu danbayntii ayaa waxa ay Gudoomiye Rooda Axmed Yasin sheegtay inay caafimaadka inanteeda Umalkhayr kala quusatay dhakhaatiirta dalka inantiina hadh iyo habeen uu dhiig labada dhegooda ka socda una baahantahay cisbtaaal debedeed ugu yaraan dalka itoobiya hadana ay ku hawlantahay sidii ay uqaadi lahayd inkasatoo ay xaalado dhaqaale la,aani iska jiraan hada waxa ay sheegtay in aanay sidan ku eegan karin gabadh yar ee dhiigu dhegaha kasocdo oo dhakhaatiirtuna kula taliyeen inay deg deg ugeyso cisbataal debedeed iyaga oo dhakhaatiirtu sheegay inaanay waxba ka qaban karin dhiigan soconaya.

Nabar3

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Gudoomiye Rooda Axmed Yasin oo Weerarkii Gurigeeda lagu qaaday ee lala Beegsanaayay iyada Ee Caruurteeda Waxyeelada lagu Gaadhsiiyay ka Hadlaysa 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews