Xisbiga Ucid wuxuu xisbi qaran ku noqday cudud mideysan iyo codkii shacabka lagana yeelimaayo in Faysal Ali Waraabe kula shuraakoobo Xukuumada. Qalinkii A/fidhinle UK.
April 2, 2016 - Written by Berbera Today
Xisbiga Ucid waxaa la aas aasay Agust 2001, waxaana uu ku guuleystay in ay magaciisa ku soo baxaan Xildhibaano badan doorashadii Golihii Degaanka ee ee dalka ka dhacday sanadkii 2002-kii. Xisbiga Ucid wuxuu ku guuleystay Xildhibaano badan doorashadii Golaha Baarlamaanka ee 2005, ku waas oo guulo badan u soo hooyey Xisbiga. Doorashadii Madaxtooyada ee 2003-kii Waxaa xisbiga metelay oo madaxweynenimada dalka u tartamay Faysal Ali Waraabe wuuna ku fashilmay Doorashadaa oo wuxuu helay cod aad u yar oo gaadhay 15%. Doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii Faysal Ali Waraabe marlabaad wuu ku fashilmay Doorashadii Madaxweynenimo oo wuxuu helay codkii ugu hooseeyey oo noqday 17%. Doorashadii Golayaasha Degaanka ee qabsoomay 2012-kii wuxuu xisbiga Ucid uu codkii uu ku soo baxay ee ugu badnaa uu ka helay 21 Degmo waxaana u fooday shacab gaadhaaya ilaa iyo 120,000 Kun oo muwaadiniinta reer Somaliland ah. Waxaa xisbiga Dhiig cusub ku shubay oo aduun badan geliyey musharaxa xisbiga Aqoon yahan Jamal Ali Xuseen halkaas oo uu xisbigu uu kaga mid noqday sedexda xisbi qaran ee maanta jira Somaliland. Xisbiga Ucid wuxuu soo saaray Xildhibaanada Golayaasha Degaanka ee Somaliland kuwii ugu cad cadaa sida Gudoomiyaha golaha Degaanka ee gobolka Saaxil, Godoomiyaha golaha Degaanka ee gobolka Gebiley iyo Gudoomiyihii golaha degaanka ee gobolka Sool
Din u raac taariikhda iyo khilaafka ragaadiyey xisbiga Ucid Febraayo 2006 ilaa iyo dhamaadkii 2011-kii Waxaa xisbiga Ucid ragaadiyey khilaaf baahsan oo Faysal Ali Waraabe sababteeda lahaa maadaama uu la soo quturnaa uun Gudoomiye iidoorta balse aanu mar qudha golaha dhexe ee xisbiga u soo bandhigin qorshe cusub oo lagu doorto oo ka duwan qorsheyaashii labada teeram uu ku saaqiday, Ka dibna xisbigii wuxuu u kala jabay laba garab oo Maxkamada sare ee qaranku u xukuntay Faysal Xisbiga Ucid 11-kii September 2011 in uu weli isagu Gudoomiye ka sii ahaado Xisbigaa iyo Gudoomiyenimadaa uu labada teeram ku fashilmay. Waxaana uu Xisbigii ka dhigtay isla markiiba Meherad uu isagu gaar u leeyahay Faysal ahaan oo uu ku xagafsado kuna dawarsado isaga oo taageerayaashii yaraa ee u soo hadhayna ka dhiganaaya markaa Xaabo uu meheradiisa ku shito.
Badhtamihii 2012-kii ilaa 2013 –kii Waxaa xisbiga alleh u soo diray oo dar-dar cusub iyo dhiig cusub ku shubay Musharax aqoonyahan Jamaal Ali xuseen iyo taageera yaashiisii cusbaa ee la baxay New-Ucid. Nasiib daro isla bilowgii 2014-kii ilaa 2016-kii Waxaa xisbigii saqiiriyey oo luqunta iskaga duubay oo sida dhidarka u bakhtiiyey Faysal ali Waraabe oo xisbigan qaranka isagu u haysta Daas uu isagu gaar u leeyahay sidii caadada u aheyd ee uu ku soo caano maalay. Labadan sanadood ee u danbaysay Faysal Ali Waraabe wuxuu u ban-baxay xan-sha-shaq iyo xabkaysi degamsan wuxuuna noqday dheefdoon ku milmay xaydaabka madaxtooyada. Waxaana uu xisbigii kula shuraakoobay xisbi xaakimkii dawlada si uu dha-dhamo yar uu dheecaankii shacabka u siisto oo uu danahiisa gaarka ah ugu fushado. intii uu Faysal Gudoomiyaha ka ahaa Xisbiga Ucid marna lamuu iman xirfad siyaasadeed oo hufan iyo xurmo hogaamineed oo cokan oo wuxuu wada cabudhiyey afgaarihii iyo dareenadii xorta ahaa ee dhiiga cusub ee xisbiga lagu dhaqaajin lahaa. Taas oo mujtamaca reer Somaliland uu u muujisey in aanu Gudoomiye Faysal ibedel-doon aheyn oo aanu hadaf-doon aheyn ee uu hanti-doon raafe-dilaacsan uun yahay.
Faysal wuxuu u badheedhay fadeexan ugub ah iyo maag iyo meel ka dhac qaawan oo uu madi ku yahay kuy’e ” musharax Jamal Ali Xuseen musharax ma aha ee wuxuu musharax ahaa markii xisbigu ururka ahaa” Boowe ma urur baa musharax doorta ? Jamal Ali Xussen waa Musharaxa sharciga ah ee xisbiga Ucid oo wuxuu haystaa cadayn iyo qoraal sharci ah (legal documents) oo ay ku cadahay in golaha dhexe ee xisbigu doortay waxaana nuqul documentigaa ka mid ah loo gudbiyey oo laga heli karaa dhamaan hayadaha kala duwan ee qaranka ee arintani khuseyso. Golaha dhexe ee xisbiga Ucid markii ay Musharax Jamal Ali Xusen dooranayeen waxay u doorteen in uu ahaado Musharaxa madaxweyne ee doorashada Soo socota. kalfadhigii Golaha dhexe ee xisbiga Ucid wuxuu ansixiyey heshiiskii labadii garab ee isku biiray oo kala ahaa Hadhaagii Ucidii hore oo uu Faysal hogaaminayo iyo garabkii Udub oo uu Jamaal hogaaminaayo waxaana ay halkaa ku doorteen in uu Jamaal Ali Xuseen uu musharax Madaxweyne noqon doono Abdirashiid xasan mataana uu musharax ku-xigeenka noqon doono waxaana isla goobtaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyey oo ugu codeeyey xubnihii golaha dhexe ee xisbiga ee lagu doortay shirweynihii xisbiga 3-aad ee dhacay 4-5/1/2012.
Guntii iyo Geba Gebadii : Waxaa Maxkamada Sare ee qaran looga fadhiyaa in ay shacabka Somaliland u kala cadeyso in uu Xisbiga Ucid yahay xisbi qaran oo ka tirsan Hayahada qaranka kaas oo dastuur leh, xeer leh , xeegaan leh oo musharax leh, Gole fulin leh oo Gole dhexe leh oo Gudi hoosaadyo leh oo taageerayaal leh iyo in uu Xisbiga Ucid yahay Meherad uu leeyahay Gudoomiye Faysal Ali Waraabe oo kolba isaga loo xukumo. Xisbiga Ucid wuxuu u baahan yahay Xaqsoor, Cadaalad,Cudud mid ah iyo Caqli mid ah.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London