Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Hadlay Laba Hab Oo Ay Ahayd Inay Dib U Dhigista Diiwaangelintu Ku Timaado, Balse Ay Garab Mareen Xukuumada, Xisbiyada iyo Guddiga Dooarashadu –
April 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada, ayaa ka hadlay dib u dhigista diiwaangelinta, isagoo tilmaamay in xukuumadda, asxaabta iyo guddiga doorashooyinku garab mareen laba jid oo ay dib u dhigistu ku iman lahayd.
Md. Jirde, oo shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay safar ay guddiga uu ka tirsanyahay ee arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgelyadu ku soo mareen gobalada dalka, iyagoo dadka ka waraysanayay aragtidooda saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, waxaanu xusay in abaar ba’ani ay ka jirto bariga Sanaag.