berberatoday.com
War Weyn: Qorshe Cusub Madaxtooyadda Iyo Xisbiga Kulmiye Usoo Shaxeyey Faysal Inuu Doorashada Soo Socota Usoo Sharraxo Wiil Uu Dhalay Iyo Muuqaalada Laga Helay Guuleed Faysal Cali Waraabe
April 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hindisahan Muuse Biixi waxa uu sheegay inay dhimeysaa culuseyska iyo cadaadiska kaga imanaaya, waxanu soo qaadimay hindise Boqortooya-nimo tilmaamaya, waxana sida la sheegay uu ku yidhi weedho u dhaacayey sidan; “Faysalow Tolka hadii ku diiday Inaanka Guuleed yare miyey diidayaan haduu Musharax noqdo”.Hargeysa(Berberatoday.com)-kulan saddex geesood ah oo ka dhacay Qasriga madaxtooyadda oo ay kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi iyo xubno ka socday madaxtooyadda ayaa lagu falanqeeyey sidii meesha looga saari lahaa Musharraxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo saraakiisha xisbiga ee la socota.

Waxana Wararka u dhow-dhow kulankaasi sheegayan in Faysal Cali Waraabe u sheegay kooxda mashruuca soo siiisay inuu burburiyo Xisbiga Ucid in soo foodsaartay xaalad adag, isagoo u seegay inaanu faraha ku haynin gabi ahaanba xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Ucid oo ay wada taageersan yihiin Musharrax Jamaal, sidoo kalena waxa uu madaxtooyadda iyo hoggaanka xisbiga Kulmiye in Beesha uu kasoo jeedo ay ka soo foodsaartay xaalad adag, iyagoo kasoo hor-jeestay damaciisan, dib loogu inqilaabayo ee lagu burinaayo heshiiskii Ucid lagu soo saaray.

Markii Faysal cali Waraabe hadalkii dhameystay, ayaa sida iluhu tibaaxen waxa wadasha ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo u sheegaya inuu hayo shorshe ka sahlan oo xisbiga Ucid Beesha Ciidagale ku raacayso, isla markaana ka dhimeysaa culuseyska iyo cadaadiska kaga imanaaya, waxanu soo qaadimay hindise Boqortooya-nimo tilmaamaya, waxana sida la sheegay uu ku yidhi weedho u dhaacayey sidan; “Faysalow Tolka hadii ku diiday Inaanka Guuleed yare miyey diidayaan haduu Musharax noqdo”.

Hadalkaasi kasoo yeedhay Guudomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa madaxtooyadda iyo Gudoomiye Faysal si weyn usoo dhoweeyen, waxana la sheegay inay hindisaha hadda laga bilaabo ku hawl-gelayaan, waxana markii kulanka laga soo sareeray caawa la sheegay inuu kooxo dhalinyaro ah u diray sawirka Inaankiisa si ay calaamada xisbiga Ucid ugu sameeyan, waxana isla waqti kooban kadib lasoo dhigay baraha bulshada ee Facebook hindisihii Madaxtooyada ee caawa. Qorshahan Faysal cali Waraabe madaxtooyadda looga soo xambaariyey ayaa ah caqabad kale, oo si cakireysa khilaafka xisbiga Ucid oo maalmahan faraha ka baxay, iyadoo uu caawa soo saaray faysal qoraal uu sheegay inuu xilka kaga qaadayo madaxdii lagu doortay shirweynihii golaha dhexe ee shanaad, sidoo kale, waxa isna arrintaa markiiba hor istaagay Musharraxa jagada madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali xuseen oo ganafka ku dhuftay kuna tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, waxa kalo oo isna caawa arrinka uu faysal xilka ka qaaday ka hadlay Muj. Cali Guray oo sheegay in aanu Faysal lahayn wax awood ah oo xilka lagaga qaadi karo iyo eedeymo culus oo kale oo uu hawada u mariyey, xaalada xisbiga Ucid ayaa maalinba ka xigta kasii dareysa, waxana la filaya inay maxkamada sare ee dalka tagto ariinka khilaafka hoggaanka sare ee xisbiga kala erdheeyey.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews