“Dadku Waa Isbaheysiyo Ee Haddaynu Hargeysa, Burco, Berbera Iyo Boorama Diidno Halkuu Innagu Wadaa Faysal Cali Waraabe Ciidagalaw..” Dr. Caga-weyne
April 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xooalaha Somaliland Dr. Caga-weyne, ayaa eedaymo badan u jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo diiddan Musharraxnimada Madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen.
Dr. Caga-weyne oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe uu Xisbiga UCID ka dhigtay Hay’ad Maxali ah (NGO) oo uu hadba Cidda uu doonayo kula shuraakoobo, arrintaasia Ceeb iyo Magac xumo u soo jiideyso Beesha Ciidagale ee uu ka soo jeedo, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in Beeshu Tallaabo ka qaaddo.