berberatoday.com
Shirjarii’id Uu Qabtay Wanka Ku Sawiran Calanka Xisbiga Ucid Ayaa Waxa Uu Yidhi”In Wankii Iyo Laxdii Kasta Ee Uhogaansami Weyda Awaamirtayda Lagu Dari Doono Adhiga Loo Qali Doono Agoomaha Iyo Naafada S.land.
April 4, 2016 - Written by Berbera Today

Shirjarii’id oo uu saaka qabtay wanka ku sawiran xisbiga ucid ayaa wuxuu u dhignaa sidan:
marka hore dhamaan waad salaamantihiin adhigayga ku dhaqan s.land iyoxoolaha kalee na taageersanba,salaan kadib waxa beryahan aan maqlayaa muran ka dhextaagan adhigaygii,kaasoo ka dhashay wanan sumal ah oo aan xagaa dhaweyd ku daray adhiga iyo sumaladii hore usii joogay,kadib markay samaysan waayeen xeerarkii ay sumaladu ku wada noqon lahaayeen sumalo tayaysan,waxa aan soo saaray go’aamadan.
1-in maanta laga bilaabo sumaladii loogu deeqay dadka abaaruhu naafeeyeen.
2-in dhamaan adhigii gobolada noo joogay iyo xoolihii na taageersanaaba ay ii doortaan in aan noqdo sumalka maanta ilaa inta laga gaadhayo ciida carafo ee inagu soo foole.
3-in wankii iyo laxdii kasta ee uhogaansami weyda awaamirtaydaasi lagu dari doono adhiga loo qalidoono agoomaha iyo naafada s.land.
4-xilalkii sumaladaa abaaraha loogu deeqayna waxaan usoo magacaabi doonaa laxahayga kuwa ugu shilis wiiga soo socda.
Ugu danbeyna waxaan halkan uga mahadnaqayaa bahda habar dugaag ee kala ah
– waraabeyaasha tvyda
– dacawooyinka jaraa’idada
-yeydiina websitada
waxaanan idiin sheegayaa in adhiga ka biyo diida shirkaygani fasax idiin yihiin cunitaankoodu bahweyntiinan habardugaag.

 

 

Curiye:jaamac cismaan dakhare

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews