berberatoday.com
Askari Ka Tirsan Ilaaladda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Haweenay Kula Kacay Fal Argagax Ku Riday Dadweynihii Goobta Joogay Iyo Habdhaqanka Ciidamada Wasiir Waran-cadde Oo Laga Qayliyay
April 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mid kamid ah, ilaalada afafka hore ee laga galo wasaaradda arrimaha gudaha somaliland, ayaa shalay isniintii si fool xumo iyo anshax la’aani ka muuqato Albaabka ku faro saaray Haweenay damacsanayd .

Askari Ka Tirsan Ilaaladda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Haweenay Kula kacay Fal Argagax ku Riday Dadweynihii Goobta Iyo Habdhaqanka Ciidamada Wasiir Waran-cadde oo Laga Qayliyey.
Hargeysa(Xogreebnews)-Mid kamid ah, ilaalada afafka hore ee laga galo wasaaradda arrimaha gudaha somaliland, ayaa shalay isniintii si fool xumo iyo anshax la’aani ka muuqato Albaabka ku faro saaray Haweenay damacsanayd inay wasaaradda kasoo qaadato Waraaqaha aqoonsiga muwaadinimo. Askariga taagan albaabka ayaa Haweenayda ku amray inay iska saarto Naqaamkii ay xidhnayd, iyadoo Haweenaydii ay ka qaadatay amarkii, isla markaana saartay Niqaamkii Indho-shareerka ahaa ee ay xidhnayd. Waxana warbaahinta falka uga waraamay mid kamid ahaa,dadkii goobta ku sugnaa, oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo, waxanu yidhi.
“..askarigii waxa uu markale gacantiisa ula tagay Haweenaydii isagoo mar keliya ka wada saaray Jalaabiibkii ay xidhnayd, iyo sidoo kale, Masaarkii, waxana Haweenaydii ay ku noqotay lama filaan, ninkan dadka hortooda ku qaawiyey, waxana kusoo hadhay Diricii ay xidhnayd oo keliya, hase-ahaatee , Shoog cabaar qabsaday kaddib waxa ay Dhirbaaxo qabadsiisay Askarigii, iyadoo leh war maxaa ku geeyey Dharkayga ee gacantaada aad igala soo doontay, balse isna waxa uu gacan u qaaday Gabadhii Feedh iyo qori dabadii isku raaciyey, waxana mar keliya fejec ku dhacay dadkii ka dhowaa goobta oo dhan iyo oo ku qayliyey askarigii”. Ayuu yidhi goob jooguhuu, waxanu intaa raaciyey.
“..Wasaaradda waxa ku sugnaa Haween Ciidamo ah oo loo tabo-baray baadhista Dumarka, laakiin askarigaasi waxa uu shaqeeya Wasiirka oo marar badan oo hore waxa uu wasaaradda ku faro-saaray Dumar badan, xata isagu ragga ma doonto mana baadho, sidoo kale marar badan ayaa masuuliyiinta wasaaradda looga dacwooday inay dadka ka qabtaa, balse waxba lagama qabto, oo wuu caadeystay, waxana adeer u ah askariga Taliyaha Ciidamada Booliska Fadal oo uu isku haley ka qabo, cidna ma bedesho, cidna ma xidho..”.
Geesta kale, falka shalay ka dhacay wasaaradda ayaa muujiyana anshax xumida qaar kamid ah Ciidamada Boolisku, mararka qaar kula kacaan dadweynaha adeegyada uga baahda xaruumaha Dawlada, waxanay dadku mararka qaarkood kala kulmaan tacadi iyo hadidaad ay ku sameeyan Ciidamada qaarkood, hase-ahaatee waxa inta badan arrimaha dib-u-sixid ku sameeya Maamulka Wasaaradda ama maamulka xaruntaa Dawladu leedahay marka jooga oo dhex-dhexeediya dadweynaha iyo ilaalada Xarunta dadweynaha. 
Sidoo kale, waxa iyaddu jirta oo aan meesha ka maqnayd inay masuuliyiinta Xarumaha Dawlada jooga ay Ciidamadooda siiyan amar adag oo ah in aanay dadweynaha wasaaradda ama Hay’adda soo gelaaya usoo dayn gudaha wasaaradda, kuwaasoo fara inay celiyaa qof kasta shaqada uu doono ha hayee, waxana ay Ciidamada faraan oo kaliya inay soo daayan Siyaasiyiinta iyo dadka magaca leh, balse lama ixtiraamo dadka kale ee iyagu duruufaysan iyo kuwa, iska caadiga ahba, balse aan aqoonta buuxda u lahayn Siyaasadda iyo sidoo kale arrimaha dhaq-dhaqaaqyada dawlada.
Docda kale, xarun kasta oo dawladeed waxa jooga Ciidamo, kuwaasoo iskugu jira rag iyo dumar kala qaabilsan arrimaha suggida amniga si loo xoojiyo oo iyagu dadka baadha, balse waxa nasiib darro ah in Askari Nin ahi, haweenay ku hor qaawiyo dadka hortooda, weliba inta uu gacantiisa ula tago, iyadoo ay goobta joogan Ciidamo Haween ah oo shaqadan iyagu ka lahaa, tusaale ahaan, falkii maanta ka dhacay wasaaradda arrimaha gudaha, waxa maamulka wasaaradda looga baahan yahay inay dib-u-sixid ku sameeyan oo ay Askarigiina sharciga mariyaan si aan loo dhibin dadweynaha.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews