berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Been Abuuray Gudida Fulinta Xisbiga Ucid, Markii Uu Ku Fashilmay Isku Daygii Xilka Qaadista Masuuliyiinta Hoggaanka Sare Iyo Dacwad Ka Dhan Ah Oo La Filaayo in Deg-deg loogu Gudbiyo Maxkamada Sare.
April 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka been abuuray guddida fulinta Xisbiga Ucid, isagoo warbaahinta u qaybiyey Warsaxaafadeed uu sheegay inuu kasoo baxay gudida fulinta ee xisbiga Uci, isla maarkaana uu ku xalaashanaayo isku daygii dhicisoobay ee awood maroorsiga ahaa ee dhowaan uu sheegay inuu xilkii iyo xubinimadii kaga qaaday masuuliyiinta hoggaanka sare ee shirweynihii 5aad ee Xisbiga lagu doortay.

Warar u dhuun-daloola guddida fulinta iyo xubnaha gudida ayaa sheegay in aanu jirin haba-yaraatee kalfadhi ay iskugu yimaadeen Guddida fulinta xisbiga Ucid, hase-yeeshee, Warka Warbaahinta qaarkeed lagu baahiyey uu yahay mid uu Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal cali Waraabe kaga been abuurtay guddida oo badi aan dalkaba joogin, qaarkoodna ay yihiin xubnaha uu sheegay inuu xilka ka qaaday.

Sidoo kale, xogggaha u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqyada Gudoomiye Faysal ayaa tibaaxay, in qorshana been abuurka ay ku kaliftay markii ay ka socon weyday ficillada uu hore u sheegay inuu xilka kaga qaadayo xubno uu kamid yahay Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Muj. Cali Guray, kuwaasoo uu ku fashilmay, isla markaana ku noqotay ceeb iyo fadeexad, markii warbaahintu waxka weydiisay awoodaha xilka ka qaadi karo xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga.

Geesta kale, qorshahan been abuurka ah ayaa sida la sheegay waxa caawa ku dhaliyey Gudoomiye Faysal, musharraxa xilka madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo faray Gudoomiye Faysal inuu sameeyo qorshaha been abuurka cadaanka ah ee laga sameeyey guddida fulinta xisbiga Ucid. Tallaabooyinka daliilka u ah inuu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi usoo maleego shirqoolada iyo isku dayyada inqilaabka macangegnimada ka muuqato, usoo laqimo Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal cali Waraabe, ayaa ah kuwo markhaati ma doon ah.

Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye oo kaashanaysa Ganacsade Maxamed Aw siciid ayaa maalmahan dagaal qaawan ku haya sidii ay u burburin lahaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, kuwaasoo qorsha fulintiisa usoo adeegsanaaya Gudoomiyaha xisbigaas oo isagu karaamada xisbigiisa ka doorbiday inuu dhaqaale faro guudkood ah ku burburiyo, isagoo inkiraaya Musharaxa xisbiga Ucid oo hore loo soo ansixiyey, waxanu dadka Siyaasadda Gudoomiye Faysal sida weyn u yaqaana ku fasireen inuu Gudoomiye Faysal yahay qof bila axad ah oo aan lahayn meel loogu soo hagaago, isagoo saacadba meel isku qaada, ama kolba raaca meesha uu shilimo ku arkaayo. Khilaafka xisbiga Ucid ayaa la filaya inuu gaadho maalmaha soo socda Maxkamada sare ee Dastuuriga ah, taasoo la hordhigi doono Heshiiskii ay Faysal la galeen Xubnihii isbedeldoonkii Udub, sidoo kale, waxa Maxkamada sare la filaya inay dhegeysato Markhaatiyaal badan oo uu kamid yahay Xaaji Cabdikariin(Cabdi waraabe) iyo sidoo kale, Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxana Maxkmada sare laga filaya inay si cadaalad ah u qaado kiiska, hase-yeeshee madaxtooyadda iyo xisbigeeda kulmiye oo kaashanaya Ganacsade Maxamed Aw Siciid ayaa la filaya inay ferogelin dheeraad ah ku sameeyan dacwada, hase-yeeshee indhaha shacabka somaliland ayaa sida diiradda u haysta hoggaanka cadaaladda oo mudooyinkii u danbeeyey lagu majiiraanayey inay yihiin kuwo cadaali ah oo dadka u xaqsoora.

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews