berberatoday.com
“Haddu Qofka Naafo Yahay, Micnaha Mahaa Inuu Maskaxda Naafo ka Yahay” Faadumo Biixi Kooshin
April 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

http://i2.wp.com/www.maankaab.com/wp-content/uploads/2016/04/12936573_895997957175639_5724564520803799482_n.jpg?w=650

 

“Waxa ay ahayd maalin Jimce ah ilaa shantii galabnimo 1993-kii, waxa aan raacay dhallin da’dayda ahayd si aannu ugu ciyaar tagno meel aan xaafadda sidaasi uga sii fogayn. Waxa aannu ku ciyaaraynay wax kasta oo aannu bidaynay inaannu ka helayno farxad, sida biro ka mid ah birihii meesha yaalay oo aanan garanayn waxa ay ahaayeen. Waxa aannu iska wadanay ciyaartayadii si aannu ugu ciyaarno birihii. Waxaan soo qaaday birtii aan is idhi birihii aad ku ciyaaraysay ayey ugu qurux badnayd, kadib waxa aan u keenay dhallintii ila ciyaaraysay si aan u tuso in birtani tahay birihii aannu ku ciyaaraynay mid ka qurux badan, birtaasi may ahayn mid aan garanayey inay waxyeelo ii gaysan karto, manay ahayn mid aan garanayey inay dhib ii horseedi karto.

Waxa ay samaysay sidaan ugu ciyaarayey kulayl intii ka badan oo ah inaan xamili waayo gacan ku hayntii, sidaa darteed waxaan damcay inaan iska tuuro birtii, waxaanan birtii isku raaciyey tuurmo iyo laad aan lugtayda ku sii laagayo, isla markii aan birtii tuurmada iyo laaggii isku raaciyey waxa ay samaysay qarrax, kaasoo ahaa qarax aad u weyn oo gilgilay halkii aan taagnaa oo dhan oo ahaa mid la dareemayey. Waxaan indhaha kala qaaday anigoo ku jira xaalad ka duwan tii hore waxaanna ku sugnaa isbitaalka guud ee magaalada Hargaysa.

Inyar ka dibna waxaa la ii sheegay in labadaydii lugood ay go’ayn markii aan isku dayay inaan kaco. Waxa aan u arkaayey qof galay nolol madaw, waxaan u arkaayey inaan noqday qof nolol kasta oo uu hiigsanayey ka galay baal madow oo wax kasta oo uu hore u soo samayn jiray aan dib u samaynaynin, waxaan markiiba garawsaday inaanan dib u istaagi doonin, waxaana I galay wax ah nolol ka quusasho oo ah inaanan dib una istaagaynin una soconaynin. Mudo dhawr bilood ah markii aan ku jiray isbitaalka ayaa waxaa isoo maray wafdi ka socday Qaramada Midoobay, waxay indhahooda soo jiitay anigoo ahaa qofkii ugu da’da yaraa ee yiilay isbitaalka ee ay miinadu wax yeelaysay. Waxaan noqday qofki ugu horeyay ee loogu sameyo lugaha macmalka ah kuwaas oo ii galay kalinti cagahaygii. Sanadkii 1995 waxaa la iga casuumay shir caalami ah oo lagag hadlayey sameynta ay miinadu ku leedahay adduunka dalka Switzerland. Tusaalena aan uu ah dadki ay miinadu wax yeelaysay iyadoo oo la tusayey dhibtaadda ay uu geysatay caruurta yar yar oo soo kacayey oo lahaa mustaaqbal soo ifaya. Shirka dhamaadkiisa waxaa la ii weydiyey, maxaa laqu qabtaa? Ma in aad waddankan iska joogto ayaad rabtaa mise codsi kale ayaad wadataa?

Codsigaygi wuxuu noqday in la dhiso iskuul aan dhigto, waayo iskuul ima dhaweyn waan ku guuleystay waana la dhisay iskuulki oo loogu magac daray magacayga. Waayo waxaan ahaa naafo ku cusub saxaada naafonimo oo aan meel fog gaadheyn. Iskuulki ayaan ka bilaabay waxbarashadaydii isaga ayaan ku dhameystay dugsigaygii hoose dhexe. Haddana Jaamiciyad baan ahay oo waxaan u dooda una raadiya xuquuda Soomaalida naafadda ah. Haddu qofka naafo yahay, micnaha ma ahaa inuu maskaxda naafo ka yahay. Fikirkayga waa intaad dadaasho ayaad guulaysan kartaa.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews