berberatoday.com
Laanta Xisbiga Kulmiye ee Wadanka Finland oo Kullan ay yeesheen ku Xaliyay Khilaafyo ka Dhextaagnaa Xubno ka mid ah.(+ Sawiro)
April 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta iyo qaar kamida taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Finland ayaa xalay lagu qabtay caasimadda wadankaas ee Helsinki.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd soo afjarida khilaafaad yar yar oo muddo soo taxnaa ayaa  laga gaadhay xal rasmi ah iyadoo isla goobtaas lagusoo bandhigay xeer-hoosaadka Xisbiga Kulmiye Finland uu yeelan doono

Ugu horayn Gudoomiye -Kuxigeenka Jaaliyadda Guud ee Somaliland Mudane Cabdilaahi Ilkacase ayaa siweyn uga sheekeeyay marxaladihii loosoo maray xallinta khilaafkan iyo guusha uu kusoo dhamaaday waxaanu hoosta kaxariiqay in lagasoo gudbay hadda wixii kadambeeyana aanay jiri doonin kala qaybasaani

Waxa isna halkaa kahadlay Abwaan Ahmed Cali dheere oo kamida rukunnada Kulmiye ee Finland isagoo soo dhaweeyay xalka laga gaadhay murankii yaraa waxaanu sheegay in shir hore

oo laiskugu yimid lagu dhameeyay arrintan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Finlandna yahay Mudane Ahmed Khaliif

Sidoo kale Gudoomiye Kuxigeenka Laanta Xisbiga Mudane Cabdirisaaq Guray ayaa cadeeyay in hadda wixii kadmabeeyay gacmaha ay isqabsandoonaan reer Kulmiye Finland

Oday jamaal Haybe ayaa isna goobtaa kajeediyay dardaaran iyo waano

Gabogabadii Waxa dhamaan kasoo qaybgalayaasha iyo cidkasta oo kaqaybqaadatay dhamaystirka hawshaaba u mahadceliayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Finland Mudane Ahmed  Khaliif oo kudheeraaday muhiimadda uu leeyahay wada jirku isagoo ballan qaaday inuu noqon doono Oday dhagaysta talada guddiyadiisa iyo taageerayaasha Xisbiga ee Finland waxaanu sheegay inay kago’antahay kamidho dhalinta guusha Xisbiga

Wuxuu Ugu dambayn Gudoomiyuhu kubaaqay in loo gurmado walaalaha abaaraysan ee kunool wadankii hooyo

 

2 3 4 5 6

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews