Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.Cali Cumar Maxamed Waa Halyey Qaran. –
April 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
dawlada ethopia wax ugala soo degi lahayd dekeda berbera isagoo u muujiyey shaqo hufan iyo soo dhawayn badan Oo wakhtiyo badan
Marka Hore Ilaahay Ayaa Mahad Iska Leh Inooga Naxariistay Abaarta Oo Mar Kasta Aynu Marti U Nahay, Mahad Naqaa Ka Dib Waxan Salaamaya Saxaafada Xorta Ah. sida aynu ka warqabno waxay dawlada somaliland la gashay heshiis ku saabsan isticmaalka dekeda berbera dawlada aynu jaarka dhaw nahay ee ethopia kaas oo noqonaya heshiiski ugu horeyey ee noocisa ah ee aynu la galno dawlad kale. waxaynu ognahay horumar kasta inuu dedaalkisa leeyahay waxanan leeyahay maareeyaha dekeda Berbera wuxuu in badan dedaal badan ka sameeyey sidii
dawlada ethopia wax ugala soo degi lahayd dekeda berbera isagoo u muujiyey shaqo hufan iyo soo dhawayn badan Oo wakhtiyo badan oo shixnado u
soo mareen dekeda berbera dalka ethopia taasina waa ta ku dhalisay inay ina aaminto oo inala gasho heshiiskan rasmiga ah ee magaca dalkeena taariikhda geliyey, marka waxan maareeye Cali Cumar Max,ed Leeyahay Hambalyo Waxanad Ka Mid Tahay Raga Jecel In Qarankani Guulaysto iyado aad jeceshahay inuu rumoobo hamiga madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane AXMED MAX,ED MAX,UD oo ah in qarankani citiraaf caalamiya helo,
W/Q, Dr. Max,ed Saleban Max,ud. Contact: 0634447792