Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Murrashax U Taagan Madaxtinimada Dawlada Xamar
April 5, 2016 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa kasoo hor-yimid heshiiskii ay xalay wada-saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaasoo ay Goob-joog ka ahaayeen Xubno ka socda Beesha Caalamaka.
C/raxmaan Faroole ayaa xusay in Nidaamka la qaatay ee 4.5-ka ah uu yahay mid ummadda Soomaaliyeed aanan dan u ahayn, wuxuuna intaas ku daray inuu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Doorashadiisu la filayo inay dhacdo dhamaadka Sannadkaan 2016-ka.