Roobab Lagu Qabowsaday Oo Xalay Ka Da’ay Magaalada Borama Iyo Deegaanada Bariga Gobolka Awdal Iyo Dareenka Bulshada Gobolka Awdal
April 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada borama ee xarunta gobolka awdal ayaa waxay sheegayaan in xalay uu ka da’ay roob lagu qabowsaday magalada borama iyo deegaano kamida bariga ee magaalada borama ee kamid ahaa deegaanada ay abaarta baahsani kajirto.
Wariye Maxamed Ismaacil Sherbi-yare oo kamida wariyayaasha ka hawl gala magaalada borama gaar ahaana muuqaal baahiyaha Somalichannel oo ay shabakada Berberatoday.com khadka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in roobakani uu ka da’ayay gudaha magaalada borama saacado badan,isaga oo sidoo kalena noo sheegay in deegaano kamida bariga gobolka awdal uu iyaga helay raxmaadka eebe.