berberatoday.com
“Waxa Door Muuqda Ku Lahaa Arintaas Shaqsi Ummadda Somaliland Oo Dhan Ku Noqday Fidmo Oo Xoolihiisii Iyo Maskaxdiisiiba…..,Waxa Meesha Kasii Baxaysa Taageeradii Kulmiye Ay U Hayeen…., Marka Hore Xidhiidh Fiican Ayey Lahaayeen…..”Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Salal
April 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Badhasaabkii hore ee gobolka Salal ayaa eedo horleh usoo jeediyey ganacsadaha reer Djibouti ee Maxamed Aw Siciid Geedi, kaas uu ku naqdiyey inuu mar walba ku mashquulsan yahay arrimo ka baxsan xayn-daabka ganacsigiisa, kaas oo uu la xidhiidhiyey inuu isagu u ololaynayey badhasaabka cusub ee xalay madaxwaynuhu u magacaabay gobolkaasi.

Mr Bucul waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta khadka telefoonka ugu warameyey Haatuf isagoo ku sugan magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal.

 

Maxamed Muuse Bucul oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxa uu tibaaxay inay hoos u dhac wayni ku yimid taageeradii xisbiga Kulmiye ka haystay deegaanada gobolka Salal, taas oo uu sabab uga dhigay hogaanka xisbul-xaakimka oo aan mihiimad wayn siinin mujtamacaasi, isagoo xusay inay xubnahooda deegaanadaasi kaga jira xisbigaasi inay shir degdeg ah kaga arinsan doonaan dhawaan aayahooda iyo ka bulshadoodaba. Ugu horayna isaga oo hadlaya isku-shaandhayntii uu xalay madaxwaynuhu sameeyey, waxa uu yidhi “Madaxwaynuhu xaq buu u leeyahay inuu isku-shaandhayn sameeyo oo sharciga ayaa taas xaq u siiyey, balse arinta aan jeclahay inaan ka hadlo waa arinta isku shaandhaynta gaar ahaan ta gobolka Salal, sababta oo ah arrinta gobolka Salal la qadiyad maaha gobolada kale oo horeba waad u ogayd oo afar Badhasaab baa soo maray  oo intaasba isku-shaandhayntu way socotay lamana gayn jirin gobol kale, waxyaabo dawladu u xeerin jirtay oo dadkuna markhaati ka ahaayeen baa jirtay. Dhibtii ka dhacday doorashooyinkii hore ee lagu gafay reer Ciise la yidhaahdo ayaa sababtuna ahayd, waxaanay xal u noqotay maadaama oo gobolka marka horeba iska diciif ah uu ahaa bal in loo  daayo Badhasaabka  yare e maqaar-saarka ahaa oo aan marka horeba wax nidaam ah iyo wax qadarin ah oo uu dawladu ku leeyahay aanay jirin marka horeba ayuu hadana reerku ku samray oo uu waxa uu ahaa maqaar yar oo la eeganayey”.

Mar uu ka hadlayey isku-shaandhaynta madaxwaynuhu xalay sameeyey, waxa uu yidhi  “Madaxwaynuhuna talaabadaa uu xalay sameeyey waa mid uu ku duudsiyey bulshadda gobolkan oo taageero iyo wax kaga xumaada mooyaane waxba ka faa’idi maayo oo waxba u soo kordhin mayso, waananu ka xunahay bulsho ahaan. Isku-dhaandhayntan xalay dhacdayna waanu ognahay halka uu ka yimid”.

Mr Bucul mar la waydiiyey sababta uu uga soo horjeedo muwaadinkaa loo  magacaabay xalay badhasaabka gobolka Salal, waxa uu yidhi  “Masuulka dawlad baa soo magacawda oo ma diidanin isaga laakiin waxaanu u aragnaa talaabadaasi inay kalsoonidii uu  xibsiga Kumiye iyo xukuumadiisu ku lahaayeen bulshadda gobolkan inay wax u dhimayso, laakiin waxaanu ognahay in shaqsiyaad dano gaar ah lihi ay arintan ka danbeeyaan oo dabada ka riixayaan”. Mar wax laga waydiiyey cida uu u aanaynayo inay dabada ka riixaysay magacaabista Badhasaabka gobolka Salal, waxa uu yidhi “Waxaanu arintaas u aanaynaa oo door muuqda ku lahaa shaqsi ummadda Somaliland oo dhan ku noqday fidmo oo xoolihiisii iyo maskaxdiisiiba ku mashquuliyey inuu bulshadda ku fidmeeyo, Cali Guray iyo Jamaal Cali Xuseen-na waxa ay ka cabanayaan waa wax jira oo ninka ka danbeeya khilaafka xisbiga UCID-na waa ninka ganacsadaha ah ee Maxamed Aw Siciid Geedi, isaga oo aynu ognahay inuu maantana u soo dhigtay Saldanadii guunka ahayd ee beelaha Subeer Awal oo uu doonayey inuu burburiyo, markaa fidmadaasi iyo qaar kale oo badanba Ina Aw Siciid baa dabada ka riixaya. Maxamed Aw Siciid waxa uu wadaa fidmo wayn oo xataa Djibouti u talaabi doonta oo waxa uu meesha keensaday nin ay Ilmaadeer yihiin oo uu ka dhigay badhasaabka gobolka Salal”.

Maxamed Muuse Bucul  Isagoo hadalkiisa sii watana, waxa  uu intaas raaciyey “Waxa meesha kasii baxaysa taageeradii Xisbiga Kulmiye ay u hayeen bulshadda Ciisuhu, marka horena xidhiidh fiican ayey lahaayeen Muuse Biixi iyo bulshadda iyo haldoorka beesha Ciise laakiin imika waxa muuqata taageeradii Guddoomiyaha Kulmiye ka haystay deegaanadaasi inay meesha ka saarayaan group-kaa maafiyada ah ayaa burburinaya imika oo inaanu kalsoonida kala noqono ayaanu inyar u jirnaa, haddii aanu nahay xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye kaga jira beesha Ciise-na waxaabanu ka yeelanaynaa shir degdeg ah oo aanu kaga tashanayno aayaha bulshadaanu matalayno”.

Mr Bucul ugu danbayn mar uu ka hadlayey xaalada deegaanada gobolka Salal ee ay abaaruhu ka jiraan, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Mudo saddex sano ahba waxaan ka mid ahaa guddi si tabaruc ah uga shaqaynaysay deegaankan, imikana waxaan ka mid ahay oo  aan guddoomiye u ahay guddidii uu badhasaabka Salal u magacaabay gurmadka abaaraha, hadana ma jirto cid waxaas kugu tixgalinaysaa oo imika waxaanu ku mashquulsanayn baryahanba sidii aanu jaaliyadda Djibouti uga soo qaadi lahayn gurmadka dadka ku tabaalaysan deegaanka ee ay abaartu haleeshay”.

“Arinta roobkana ma jiro wali roob la sheegi karo oo ka da’ay deegaanka, marka laga tagi waayo dhinaca galbeedka ee magaaladda Xariirad roob aan badnayn baa laga soo sheegayaa, raxmada Ilaahay-na waanu sugaynaa in Ilaahay inaga jabiyo abaaraha”.

 

 

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews