berberatoday.com
Dawladda Xamar Oo Ka Hadashay Ujeeddada Deeq Hal Milyan Oo Doollar Ah Oo Guddigooda Abaaruhu Hargeysa Soo Gaadhsiiyeen
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaynu nahay dad Walaalo ah oo isku dhiig ah, Somaliland ahaanna haddii ammaantiina la tiriyo Maantoo dhan lama dhameyn karo..” Guddoomiyaha Guddida Abaaraha Soomaaliya

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somalia, ayaa Shalay Hal Milyan oo doollar ugu yaboohday Somaliland, si loogu caawiyo shacabka ay saameynta xooggan ku yeesheen Abaaraha ka taagan gobollada ka tirsan Somaliland.

Warka 2-aadDeeqdan lacageed ayaa la gaadhsiiyay Magaalada Hargeysa, Waxaana Garoonka diyaaradaha ee Cigaal xubno ka tisran Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo bogaadiyay deeqdan ay ku yaboohday Dawladda Federaalka Soomaaliya

Sidoo kale, Dhaqaalahan loogu yaboohay Abaaraha Somaliland ayaa la sheegay in laga soo ururiyay Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Somalia, iyadoo tani ay noqonayso midii ugu horreysay oo xukuumadda federaalka Somalia ay u dirto Somaliland, tan iyo markii ay abaaruhu dillaaceen.

Raysal-Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo Garoonka Muqdisho kula kulmay xubnaha guddiga gurmadha Abaaraha Somalia oo wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay ka mid ahaayeen, ayaa sheegay in dhaqaalahan oo horudhac ah uu kaalin weyn ka qaadan doono yareynta Abaaraha ka taagan Gobollo ka tirsan kuwa Somaliland.

“Waa lacag hordhac ah oo aanu ugu talo-galnay in aan gaadhsiino shacabka ay ku yeesheen saameynta abaaraha ku dhuftay deegaanno ka tirsan Somaliland, oo ay ka jiraan biyo yari iyo Cunno la’aan. Waxaana dhaqaalahan iska soo ururiyay Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Carte.

Carte ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay tahay mid ALLE ay ugu dhawaanayaan, isla markaana lagu badbaadinayo dadka ay biyo la’aanta iyo cunno la’aantu isku biirsadeen.

Dhanka kale, Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed oo soo dhaweynta Guddiga dhaqaalahan deeqda ah waday hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabadan ay ka marag-kacayso in dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ay ka damqadeen saameynta abaaraha Somaliland.

Gurmadkan lacageed ee ay dowladda federaalka Somalia ayaa waxaa sidoo kale ka mahad-celiyay, Maxamed Shukri Jaamac iyo Sh. Xasan C/salaan oo labaduba ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha Somaliland, waxayna sheegeen inay deeqdaani tahay mid ay si diirran u soo dhaweynayaan, isla-markaana ay ka mahad-celinayaan.

Guddoomiyaha Beelaha Hawiye oo ka mid ah Xubnaha Dawladda Soomaaliya u soo dhiibtay Deeqdan Lacagta Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo isna Goobta ka hadlay ayaa yidhi. “Sidaad la socotaan waxaan nahay guddi kasoo ambabaxay Muqdisho oo isugu jira qaybaha bulshada, waxaana ka mahad-celinaynaa sida naloogu soo dhaweeyay, Waxaanan ka damqannay dhibaatada abaaruhu ay sababeen, inkastoo xilligii loo baahnaa aan kasoo dib dhacnay, haddana waanu nimid. Gurmadkanna Maaha kii ugu horreeyay oo aan idin soo gadhrsiinno, laakiinse waa dhiig-joojin, kuwo kalena way idiin iman doonaan haddii ALLE yidhaah.”

Waxaa isaguna goobta ka hadlay Guddoomiyaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay inay waajib Islaami ah tahay in la isku gurmado, waxaanu yidhi, “Waxaan nahay dad Walaalo ah oo Soomaali ah oo isku jismi ah isku dhiig ah ayaan nahay, idinka Somaliland ahaanna haddii ammaantiina la tiriyo maantoo dhan lama dhameyn karo, sharaf iyo wax walba waxa idiinku filan arintii aynu isla ogayn ee aad Lixdankii sameyseen (Is-raacii 1960-Kii ee Koonfur iyo Woqooyi), ha nicina sharaf ayayna idiin tahay.’’

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waftigan ka yimid dalka Somaliya ee deeqda u sida dadkeenu abaaruhu sameyeen waa dareen walaaltinimo oo runtii halkan mahad balaadhan uga jeedineyno, waa walaalaheen oo inoo soo gurmadey isla-markaana u adkeysan waayey muuqaalada ka soo baxay warbaahinta kala duwan. Runtii waa jawaab deg-deg ah oo aad u qiimo badan waxaanu halkan ku soo dhaweenaynaa dareen ka yimid guud ahaan Dawladda iyo Shacbiga rrer Somaliya.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews