berberatoday.com
“Faysalow Haddaad Ergada Tolka, Xididka iyo Xisbigaba U Qabsoomi weydo, waxa ku qaban Xeerarka Dalka ” Cabdinaasir Yuusuf Cismaan
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-In qodobbadan lagu ansixiyo kal-fadhi ay yeeshaan Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID. Heshiiskan waxa lagu ansixiyay Kal-fadhigii shanaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID oo qabsoomay 28kii Oktoobar 2012ka. Haddaba heshiiska noocaas ah ee lagu ansixiyay War-saxaafadeed uu soo saaray Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID isla markaana uu kaga hadlayo Khilaafka Xisbiga UCID ayaa u dhignaa sidan “Aniga oo ah Cabdinaasir Yuusuf Cismaan, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID. Waxa aan doonayaa in aan erey ka idhaahdo Khilaafka beryhan hadheeyay Xisbiga UCID. Dadkii xog-ogaalka u ahaa heshiiska dhex maray Guddoomiye Faysal Cali-Waraabe iyo garabkii UDUB ee uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Qodobbadii heshiiska hor-dhaca ahaa oo dhacay 12kii Julaay 2012ka, oo aan ahaa qofkii akhriyay waxa ka mid ahaa. In siyaasiyiinta UDUB la siiyo Murashixiinta Madaxweynaha, Ku-xigeenka ee doorashada soo socota. In garabka uu Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayo la siiyo Xoghayaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad iyo Af-hayeenka Xisbiga

 

In Golaha Dhexe ee Xisbiga laga dhigo 250 xubnood oo 100 ay keenaan UCID, 100 kalena ay keenaan garabka UCID iyo in la qaybsado 50ka xubnood ee soo hadhay.
4.In qodobbadan lagu ansixiyo kal-fadhi ay yeeshaan Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID.
Heshiiskan waxa lagu ansixiyay Kal-fadhigii shanaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID oo qabsoomay 28kii Oktoobar 2012ka. Haddaba heshiiska noocaas ah ee lagu ansixiyay codka gacan-taagga ahi ma aha mid qarsoomi kara. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabena waxa uu Xisbiga u waday jiho aan wanaagsanayn tan iyo sannadkii 2013ka. Isaga oo dhaqan ka dhigtay talo-maroorsi, af-duub iyo inaanu cidna kala tashan hawlaha Xisbiga.
Taasina waxa ay halis ku tahay jiritaanka Xisbiga. Waxa xusid mudan in ay khilaafka UCID dhex-galeen salaaddiin, ganacsato, Guddiga Fulinta ee Xisbiga iyo dad badan oo kale. Mar kasta waxa dhexdhexaadinta ku gacan-saydhay Guddoomiyaha.
Ugu dambayntii waxa aan baaq u jeedinayaa Guddoomiyaha Xisbiga oo aan ka codsanayo in uu ka laabto xil-ka-qaadistii sharciga baal-marsanayd ee uu ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad Md Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), isla markaana aanu ku degdegin caydhinta xubnaha la aragti noqda Jamaal Cali Xuseen sida Xuseen Badbaax oo ahaa Xoghayaha Xuquuqal-Insaanka UCID. Haddii xal uu ka iman waayo dhanka Guddoomiyaha waxa aan leeyahay “Faysalow Haddaad Ergada Tolka, Xididka iyo Xisbigaba U Qabsoomi weydo, waxa ku qaban Xeerarka Dalka insha Allah”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews