berberatoday.com
Khilaafka Xisbiga Ucid Ragaadiyey waxaa Xalin kara oo keliya Go’aanada Sharciga ah ee
April 6, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Waxaa la soo gaadhay waqtigii xisbiga Ucid dhulka la dhigi lahaa ee lagu kala bixi lahaa Maxkamadsa Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somliland.
Dhawaan ayey aheyd markii uu Faysal Ali Waraabe uu War-baahinta kaga hugmay in aan Musharax Jamaal Ali Xuseen aanu xisbiga Ucid musharax ka aheyn.
isla laba maalmood ka dibna wuxuu ganafka geliyey oo Xilalkii ka qaaday Mujaahid Ali Gurey oo ahaa Gudoomiyaha sadexaad ee Xisbiga Ucid iyo xubno kale oo golaha dhexe ee xisbiga ka tirsanaa. xag-xagashadaa xadhkaha goosatay iyo ku Xad-gudubkaa indho la’aanta ah iyo xeerar jebintaa ummaddu wada daalacatay ee uu Faysal Ali Waraabe uu ku bur-burinaayo xeerarkii xisbiga ucid waxay Faysal u noqotay arin u caado ah. Sidaa daraadeed waxaa maanta mar labaad la soo gaadhay waqtigii lagu kala bixi lahaa Sharciga Somaliland iyo Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.Taas oo Faysal Ali Waraabe u noqon doonta ” Record “taariikhda u geli-doonta in uu noqday Gudoomiyihii ugu horeeyey Asxaabta Somaliland ee Laba Jeer Maxkamada Sare la soo taagay. Hadii markan xisbiga laga xukumo aanu mansab danbe oo maamuus iyo milge leh aanu Somaliland ka qaban doonin sida ku cad Dastuurka iyo shuruucda Somaliland u yaala.

Sanadkii 2011-kii markii uu Gudoomiye Faysal uu marlabaad ku Fashilmay Doorashadii Madaxweynenimo ee 2010-kii ee uu hadana diiday in uu Xilkii Gudoomiyenimo uu Saaxibadiisii damacu hayey ku wareejiyo sife xeerarka xisbiga waafaqsan Maadaama ay xeerarka Xisbiga Ucid dhigayaan in aanu Gudoomiyuhu wax kabadan laba jeer aanu hogaanka xisbiga qaban, ayaa khilaaf culus oo uu Faysal sababteeda lahaa ka dhex qarxay masuuliyiinta ugu sarraysay xisbiga UCID, Taa soo ay Mr Aadan Mire Waqaf ” alleh hownaxariistee ” loo doortay Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee Xisbiga UCID. Madaama uu Faysal dalka ka yara maqnaa waqtigaa .Waxaana uu Aden Waqaf-uu markiiba magacaabay guddida qabanqabaada shirweynaha xisbiga oo ku beegnaa horraantii bishii September ee isla sanadka 2011-kii. Arrintaas waxaa aad uga cadhooday Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo kooxdaa shirka ku dhawaaqday ee ka soo horjeestay uu ku tilmaamay SSC ka dhex dillaacday xisbigiisa, isagoo eedaasna dusha ka saaray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo madaxda sare ee xisbiga ka mid ahaa, ahaana Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.Kadibna waatii Maxkamada sare ee qaranka la isla galay ee Gudoomiye Faysal loo xukumay in uu Gogoomiye ka ahaado Xibigii Ucid. Garabkii Abdirahman Cirona ay ka tashadeen ee ay Ururkii Wadani sameysteen kaas Xisbi u xuubsiibtay markiiba oo hadana ka mid noqday sedexda xisbi qaran ee JSL ka jira.

Iyada oo la tixgelinaayo Nidaamka Asxaabta badan iyo Geedi socodka Dimuqraadiyada curdinka ah ee ay Somaliland ku fadhido , Suurta gal ma ah in xisbiga Ucid si hawl yar uu ku bur-buro sidii Xisbigii UDUB. Waxaana hada socda baadhitaano mug leh oo salka ku haya halka uu ka soo burqanaayo khilaafka xisbiga Ucid, sidaas darteed waxaa Khilaafkii Xisbiga loo gudbinayaa Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah si khilaafka loogu soo afjaro sife waafaqsan “Sharuucda Dastuurka Somaliland iyo Nidaamka Axsaabta siyaasada ee JSL” dacwada Xisbga oo ah ” Faysal Ali Waraabe against 120,000 kun ee Taagerayashii xisbiga soo saaray” Ayaa dacwadaa Faysal ka dhanka ah loo gudbin doonaa Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee Somaliland sida ugu dhakhsaha badan, isagoo Xisbigu si dhisan ugu gudbin doona, dacwadiisa, looyaradiisa, markhaatiyaashiisa iyo wax walba oo dacwadiisu u baahan tahay si salka loogu dhigo sabatabixinta khilaafkan degemsan ee ku kooban Gudoomiye Faysal Ali Waraabe. loogana Badbaadiyo Faysal Ali Waraabe Xisbigan uu ku maax-dumay kuna raafo-dilaacay ee aanu laheyn ee qaranka Somaliland wada leeyahay.. Waxaa lagu wargalinaynaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga Ucid ee dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba jooga inaanay ku niyad jabin turunturooyinka siyaasadeed ee Gudoomiye Faysal uu xisbiga Ucid u dhigaayo ee ay isha ku hayaan oo ka dhur sugaan Xukunka adag ee Maxkamada Dastuuriga ahi ay Dhawaan soo saari doonto ” inshaa-Allah” Taas oo ay cidwaliba ku qanci doonto.

Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta Anigu Daaha kama Rogin Dadkuna Wuu arkaayaa !!

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews