berberatoday.com
Maamulka Kastamka Madaarka Hargeysa Oo Ku Kacay Musuqmaasuq Iyo Wax Isdaba Marin Baahsan
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xog dhab ah oo laga helay Zaadadka Maamulaha Kastamka Madaarka Hargeysa iyo Taliyaha Turubataariyadda ayaa muujinaya lacag ku dhaw boqol kun oo Doolar oo ay isku direen, kuwaas oo aan la garanayn meesha ay ka soo gashay iyo cida u dhiibtay, hase yeeshee waxa muuqata lacagahaasi inay yihiin kuwo ka yimi ganacsatada Isticmaasha Kastamkaas oo la sheegay inay u dhawdahay mid loo adeegsaday hawl fududayn wax isdaba marin.

MADAARKA

Lacagta la mariyey Zaadadka labadaas masuul ayaa tixraaca taariikhda ay isku direen soo taxayd illaa sanadkii hore illaa iyo bilahan ugu danbeeyey waxaanay lacagahani ka markhaati kacayaan in lagu Lunsaday dakhli malaayiin ah oo Kastamkaas ka soo xeroon lahaa, iyadoo ay in badan soo baxaysay arrintan balse waxba laga qaban la’aa yahay .

Kastamka madaarka Hargeysa ayey maraan qalabka Elektarooniga loo yaqaan ama Mobile’ska kuwaas oo ay Ganacsatada Somaliland u gudbiyaan Dalka Itoobiya, iyadoo la sheego in ay ka helaan macaashka ugu badan, maadaama malaayiinka qof ee ku nool dalka Itoobiya ay aad ugu soo badanayso inay isticmaalaan Telfoonada gacanta.

Dalka Itoobiya oo ahaan jiray Dal xidh xidhan ayaa wakhtigan horumar balaadhan gaadhay, waxaanay dadkiisa oo inta badan u badnaa dad reer miyi ah oo aan la jaan-qaadsanayn  dalalka kale ee la jaarka ah marka laga yimaado dunida kale imika u muuqda mid fur furmay oo ay dadkiisu u nool yihiin sida dalalka kale.

Mobilada oo ah shixnad fudud isla markaana xajmi yar oo la dhaafiyo xuduudka Itoobiya laga helo malaayiin Doolar oo si dadban Somaliland faa’iidadiisu ugu soo noqoto ayey ganacsato gaar ah oo Reer Somaliland ahi qaab kootarabaan ah ku galiyaan dalkaasi, waxaanay laba jeer ka faa’iidaan shixnadahaas maadaama ay Somaliland Kastamkeeda ku marsadaan cashuur kooban oo ay u adeegsadaan silsilado isku xidhan oo taxan masuuliyiinta Kastamada illaa shaqaale hoosaadka.

Dhawr jeer oo hore ayey wasaaradda Maaliyaddu qabatay shixnado telefoonada gacanta ah oo si tuugo ah lagu soo dhaafiyey, kuwaas oo lagu soo cabeeyey basaska Noha-da loo yaqaano hase yeeshee markii danbe waxa la saaray ganaax inkasta oo laga khafiifiyey.

Tan iyo wakhtigaas waxa dariiq fudud oo sida lagu qabtaa ay adkaatay ay ka jabsadeen kastamka Madaarka Hargeysa, qorshahaas oo illaa hada socda, isla markaana aanay wasaaradda Maaliyaddu waxba ka qaban, hase yeeshee dhiig-bax ku ah Dakhliga ka soo bixi lahaa cashuurtaas ay Lunsanayaan Masuuliyiintii loo igmaday.

 

 

 

Xigasho Baligubadlemadia.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews