berberatoday.com
Raysalwasaarihii Dalka Iceland Oo Iscasilay Kadib Fadeexad Musuqmaasuq Oo Lagu Xidhiidhiyay
April 6, 2016 - Written by Berbera Today
Sigmundur GunnlaugssonRaysalwasaaraha dalka Iceland Sigmundur Gunnlaugsson ayaa xilka iska casiley. Sidaas waxaa ku dhawaaqey maanta oo Talaado ah Xisbigiisa.

Wasiirka Beeraha Iceland ahna ku-xigeenka Raysalwasaaraha oo saxaafadda la hadley ayaa yiri:

Raysalwasaaruhu waxa uu xisbiga ku wargeliyey in uu xilka iska casiley, kadib shir ay isugu yimaadeen koox ka mid ah Xisbiga, waxaana si ku-meelgaar ah xilka u haynaya aniga oo ah Sigurdur Ingi Johannsson.

Is-casilaadda ayaa la xiriirda fadeexadda loogu magacdarey Panama Pappers, oo soo baxdey todobaadkan taas oo lagu soo bandhigey boqolaal Hoggaamiyaasha caalamka ka mid ah oo dalalkooda kala baxsadey canshuurta, halka ay shacabka canshuur ka qaadaan isla markaana shirkado ku leh dalal aysan bixin canshuur.

certificate

Xaaska Raysalwasaaraha ayaa ka mid ahayd dadka magacooda laga heley Panama Papaers iyada oo ku qoran shirkad lagu magacaabo Wintris oo ka diiwaan gashan British Virgin Islands, Waxaana Saamiga ku wareejiyey Raysalwasaaraha hadda xilka iska casiley.

Dalka Iceland ayaa ka mid ah dalalka Musuq-maasuqu aadka ugu yar yahay, waxaana shacabku dalabadeen in Raysalwasaaruhu xilka iska-casilo marba haddii isagu horseed u noqdey kuwa la baxsada canshuuraha.

Magacyada ku soo baxay Panama Papers, waxaa kamid ah, qaar kamid ah Hoggaamiyaasha Carabta, Madaxweynaha Ruushanka Putin iyo qaar kale oo badan, sidoo kale Waxaa kamid ah dad magacooda si weyn loo yaqaano oo ka mid ah ciyaaryahanada adduunka sida Leo Messi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews